var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Dowlad + Dooli + Dollar + Duurjoog. ( D D D D)

Kaynta Mugweyn ee kutaal bariga jaziirada waaq waaq ,ayaa waqti hore waxaa yimid xeyn doolliyaal ah oo isbedel doon ah kuna bedelay Dastuurkii hore ee duurjoogto ku dhaqmi jirtay dastuur ka wanaagsan oo loo yaqaan dastuurkii “King Rat”, ee uu qoray James Chavell waxaana fasiri kara sharcigaa hogaamiyaha doolliyada iyo saaxiibadii. Fiiri sawirada.1, 2, 3 & 4aad.

SHARCIGA CUSUB.

Qodobka 64aad, faqrada 8aad xarafka ( G) ee dastuurka cusub ayaa qoraya in miciyada laga siibo xayaanka hilibka cuna ee kaynta ku nool sida Libaaxa, Shabeelka ,Waraabaha, Dawacada, daba cadeeyaha, bisidda iwm, kadibna goowsaha laga bixiyo .fiiri sawirka.5aad. Doolliyaal yar yar oo loo yaqaan “Warmoogayaal” ayaa loo xilsaaray barnaamijkan ,in ay u sharaxaan xayawaanka kaynta ku nool. kuwii loo arko in ay fahmaan ama fahmi waayaa labada in loo aqoonsado “doolli diid”, fiiri sawirka 6,7, 8aad.waxaa la amray in ay muujiyaan farxad, xataa haddi ay dhibaata la kulmaan, ama balantii duurjoogta loo balan qaaday la fulin waayo, iyo in ay isku duubnaadaan oo dabada isku xirtaan, si ayna u kala furmin haddii loo sheego feker caqli gal ah oo kooda ka duwan. Fiiri sawirada 9,10, 11aad.

FULLINTA SHARCIGA.

Sharcigan ayaa fulintiisa waxaa loo xilsaaray qayb ka mid ah isla hilib cuna yaasha oo lagu yiri: adinka miciyada la idinka siibimaayo. Waxaana magaalada la idinkaga keenyaa hilib gasacadeeysan oo aan rifasho idinka rabin. Doolliga ayaa yiri: anigu waxaan ka imid magaalada,waxaan la noolaa beni aadamka xataa waxaa la i siiyay jinsiyadooda, armaajada iyo sariiraha hoostooda ayaan gali jiray, waxaana dhageeysan jiray sirtooda,Waan idinka ilbaxsanahay kuwiina kaaynata ku nool.

DOOD.

Dood ayaa bilaabatay kadib markii doolliyaashu ku dhawaaqeen in kaymaha deriska ah duurjoogta ku nool aan miciyaha laga siibi Karin waqtigan. Kuwii kaymaha kale ayaa maqlay in kaynta Mugweeyn duur joogtii ku nooleed la miciya siibay, weeyna ku soo qamaameen. Waxa ayna doodii sii xumaatay markii Miciya hore looga siibay duur joogta qaar lagu arkay isbitaalka ilkaha ee “ Dentiiste Miciyaale” iyaga oo iib ah.

SU’AAL

Waxaa la weeydiiyay doolligii, adiga laftaadu hilibka waad cuntaa miciyana waad leedahay. Fiiri sawirka 12,13aad. Wuxuu yiri: Anigu khudaarta ayaan ku cunaa.Waxaa kale oo la weeydiiyay masasku waxa ay leeyihiin miciyo, annagana waa naga khatarsanyihiin, iyaga maad horta miciyada ka siibtid, Dr. Dooli ayaa yiri: kuwaa xamaaratada ah miciyada waxaa u dheer sun, cidii isku dayda in ay ka siibtana weey qaniinayaan, iska adkeeysta ,marka uu dhamaado mashruucan ,ayaan ugu yeereynaa shirkad japan ah oo suntan iyo micidaba ka saarta, doolligii ayaa ku daray hadalkii, masasku aniga ayeeyba hilibkeeyga jecelyihiin fiiri sawirka 14aad.

HAADDA DUUSHA & BISADAHA.

Haadda duusha qaar ayaa khatar ah oo haddi ay ogaadaan in aad na miciya bixisay ,ubadkeena ayeey dafayaan. Dr. Dooli ayaa mar kale yiri: haaddu aniga ayeeyba khatar igu iyhiin ,kuwaa xataa cijiyaha waa ka bixinayaa ,baalalkana waa laga rifayaa,waxaadna arki doontiin iyaga oo aan haadi Karin cijiyana aan laheeyn ,oo dhulka ka qaraabanaya , noqdayna kuwa keeynta ugu laciifsan. Bisad oo iiga kharatsaneed soow ma arkina sida aan u galay oo aan hubkii uga dhigay, fiiri sawirka 15,16 & 17aad.

CABASHO

Duur joogtii ayaa cabatay oo ku tiri: Adigu godkan ayaad ku jirtaa dibadana badanaa uma soo baxdid. Mashruucan waxaa noo muuqata in uu fashilmayo ,ee maxaad noo miciya tiree, Dr. Dooli ayaa ku jawaabay: hadduu fashilmo anigu waxaan ku noqonayaa magaalada, waxaana la noolaanayaa beni aadamka ilbaxda ah anniga oo hantiile ah, Kharjka miciya siibka dib ayaad ka bixin doontiin. fiiri sawirka 18.19.20aad. intaa waxaa sii dheer,Beni aadamku waxa ay ka cabsanayaan miciyadiina ee kaynta dalxiis ayeey idiinkugu imaan la haayeen.dugaagtiina waxa ay uga cabsi badan yihiin masaska oo mici iyo sunba isku leh,masasku mar mar waxa ay tagaan magaalooyinka, waxa ayna dilaan beni aadamka.

QORSHA LABAAD ( Plan B)

Xaalku ma fiicna waa in aan is diyaariyaa oo aan seefteeyda gasha kala baxaa,haddii libaax uu xanaaqo oo uu sheegto in uu yahay boqorka duur joogta, doolliyaasheena reer magaalka ahna aan dhaxdeena iska khilaafno fiiri sawirada 21,22, & 23aad.waan in aan reer magaalka ka dhaadhacsiiyo in anigu aanan fashilmin oo aan daacad ahaa, laakin duur joog wax ma garataa ay howshii hor istaageen, eedana iyaga la saaro, reer magaalkuna ku ciqaabo, illeyn reer magaalku wax badan kama yaqaan hab dhaqaanka duur joogta.

FG. Qoraalkan anigu ma fahmin, adigu ma fahamtay, haddii aad fahamtay afkeenu weeysku aamin… qoraalkan waad dhaliili kartaa, wax ku dari kartaa, sixi kartaa, adiga oo aan jadbeeysneeyn, fikradaha si toos ah iyo si dadbanba waad u dhiba kartaa, iyada oo la jilayo waa la isku dhaafsadaa.

Qore: Yahya Amir.

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: