var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

ARGAGIXISADA DOWLADAYSAN IYO CADAALAD DARADA HIRSHABEELLE.

Muddo haatan laga joogo labo bilood iyo dheeraad, waxaa si bareer cad ah loogu toogtay, marxuun Aways Dhaqanne Xuseen AUN isaga oo Beertiisa falanaaya.

Alle ha u naxriistee Marxuunku waxa uu ku naf baxay isla goobtii gacan ku dhiiigluhu ku toogtey.

Goobta Falkaa xuni ka dhacday oo ahayd magaalada Baladwayne, waxaa markiiba la wargaliyay ciidamada qaabilsan Amniga magaalada.
markii la soo qabtay Gacan ku dhiiglihii falkaa gaystay.

Reerkii Marxuunka oo ay horkacayso hooyadii Wiilka dhashay,

Hooyo Deero Daahir Waheliye, waxay ka codsatay Dowlada Soomaaliya ,Wasaaradda Caddaaladda iyo Maamul Goboleedka Hirshabeelle in sharci Islaamka la marsiiyo NINKII Wiilkeeda sida xaqdarada ku dilay.

Ciidamadaa Amniga ee Baladwayne iyo Ninka arinkaa loo xilsaaray oo ah
Taliyaha Nabad suguda Hirshabeelle Cali Nuur Ahmed oo loo yaqaano “CALI FANAX”, arinkaa wax howl ah oo ay ka qabteen ma jiro ilaa hadda, marka laga reebo gacan ku dhiigle CABDULLAHI CABDI FAREEY oo gacantooda ku jira.
Hooyaddii Marxuunka dhashay oo quuda raysan,kana dhursugaysa Dowlad Goboleedka Hirshabeelle inay Sharciga Islaamka ku kal baxaan labada dhinac, waa Qoyska Marxuunka iyo Qoysak Dhagar-Qabaha.

Ayaa Taliyaha Nabad sugida Hirshabeelle ” CALI FANAX” waxa uu uga hanjabay hooyadii Marxuunka dhashay,Haddii ay diyo diidaan in uu siidayn doono gacan ku dhiiglaha.

Hooyo DEERO DAAHIR WEHELIYE waxay si adag CALI FANAX ugu sheegtay ineysan aqbaleyn waxaan ahayn sharciga EEBE(SWT),waxayna hadalkeedii ku gunaanday waryaa CALI FANAX,OGOW WAX, WAX XUKUMA EEBAA UGU WANAAGSAN. (ALAYSA LAAHU BI AXKAMIL XAAKIMIIN)

Ugu danbayn shalay oo taariikhdu ahayd 28.05.2017 ayaa taliye CALI FANAX oo abuul ka dhan ah Hooyada Marxuunka dhashay iyo sharciga Islaamka qaban qaabinaaya.

Ayaa Hooyo DEERO DAAHIR WEHELIYE

Waxey Hooyaddii Marxuunka dhashay u tagtay Taliyaha.
CALI FANAX, Wuxuuna rasaas aanu u meel dayin ooda kaga qaaday Hooyadii Marxuunka dhashay iyo ehelkii la socdayba.

Taliye Cali Fanax mar ay niman Odayaal ahi waydiiyeen, sababta uu Hooyada Marxuunka dhashay u rasaaseeyay, waxa uu u sheegay in uu rasaasta ku waday , ninman ay Hooyo DEERO DAAHIR WEHELIYE ehel yihiin oo markaa la sacoday Hooyada Marxuunka dhasahay,

Ugu danabayn waxaan fariin muhiim ah gaadhsiinayaa
Madax waynaha soomaliya, wasiirka koowaad, Wassirka Cadaalada, Maamulka Hirshabeele una sheegaynaa in ay maanta Badawayn ka dhacday in Hooyo Soomaliyeed oo Wiilkeedii si aan meel ku gabasho laheyn loogu toogtay beertiisii oo ku taala Baladwayn 10.03.2017, in diyo loo siiyay iyada lafteedii waa Hooyaddii Marxuunka dhashaye in raas ooda looga qaado.

“TAASI WAXAY MARAG IYO MARKHAATIBA U TAHAY IN CADAALADII SOOMAALIYEED AY KU BURBURTEY BARTAMAHA MAGAALADA BALADWAYNE. WAX KA QABASHADEEDUNA UMMADA SOOMAALIYEED WAXEY KA SUGAYSO MADAXDA UGU SAREEYSA DOWLADA FS iyo DOWLADA HIRSHABEELE.”

Waxaa Qoraalka soo diyaariyaya JAALIYAD SOOMAALIYEED ee Denmark.
Gudoonka Jaaliyada,

Eng. Abdi Omar Warmoge. Mahamed Farah Jimcaale ” GEEDI SHAANBOOW”.

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: