Ilwareed Online
Daily News and entertainment from East Africa stay connected and get up-to-date news and events | @ilwareed | @ilwareedonline.

Yurub Geenyo oo laga saaray Kooxda Fanaaniinta Xidigaha Geeska +Video

Kooxda fanaaniinta xidigaha Geeska ayaa maanta shaaciyey inay gaadheen go,aamo sameeyey qaar ka mid ah xubnaha kooxda.

Jaraa,id oo madaxda kooxda Xidigaha Geesku ku qabteen Magaalada Hargeysa ayey ku shaaciyeen inay kooxda ka saareen fanaanadan caanka ee Yurub Geenyo, waxaanay cadeeyeen inay kooxda dib ugu soo celiyeen fanaankii hore looga saaray ee Maxamed Siciid BK.

Fanaanada Caanka Ah Ee Yurub Geenyo ayaan iyadu wali ka hadal go,aanka lagaga saaray kooxda Xidigaha Geeska, balse wararka ayaa sheegaya in ka saarida kooxdaasi ay soo dadajisay safaradii kala duwanaa ee ay ku tagtay wadamada Ingiriiska Iyo Somaliya.

Download ilwareed App from Google Play Store. Ilwareed App
Comments
Wuu socdaa sug...