var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Yaxye Cali Hereri oo Shaqada Laga Fariisiyay Iyo Sababta oo La Cadeeyay

Wareegto maanta oo sabti ah kasoo baxday Wasiirka Arimaha gudaha iyo Dib u heshiisiinta Xukuumada Soomaaliya ayaa shaqo ka joojin waxaa lagu sameeyay Xoghayihii joogtada ee Wasaarada Arimaha gudaha Yahye Cali Ibraahim Hereri.

Wasiirka Wareegtada uu soo saaray ayuu ku sheegay in sababaha uu xilka uga qaaday Xoghayaha joogtada in ay tahay wada shaqeyn la’an ka dhaxeysay iyo sidoo kale in uu ku takri falay awooda kana soo cabteen shaqaalaha Wasaarada .

Wareegtadan ayaa sidoo kale lagu magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaarada Arimaha gudaha , waxaana loo magacaabay Mudane Cabdulaahi Maxamuus Xasan Azhari, waxaana wareegtadan shaqo ka joojinta ah iyo magacaabista lala socod siiyay Ra’isul Wasaare Kheyre.

Warar hoose aan bhelnay ayaa sheegaya in mudooyinkii ugu dambeeyay uu khilaaf xoogan u dhaxeeyay Wasiirka Arimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Juxxa iyo Xoghayaha Joogtada ee Wasaarada a , waxaana ugu dambeyn khilaafka uu keenay in shaqada laga fariisiyo xoghayaha joogtada.

Halkan ka Akhriso Digreetada Wasiirka ka Soo Baxday


You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: