var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Xoghayihii Joogtada Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo maanta xilka wareejiyay…

Ilwareed Online –

Xoghayihii Joogtada Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee xilka laga qaaday Yaxye Cali Ibraahim ayaa maanta xilka ku wareejiyay Xoghayaha Joogtada KMG ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha C/llaahi Maxamuud Xasan (Azhari).

Munaasabad kooban oo xil wareejin ah oo ka dhacday xarunta wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ugu dambeyn Mr Yaxye xilka ku wareejiyay Xoghayaha Joogtada KMG Mr Azhari, kaasoo horay u ahaa Agaasimaha Wasaaradda.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa ayaa 22-kii bishan xil ka qaadis ku sameeyay Xoghayihii joogtada Wasaaradda Yaxye Cali Ibraahi, isagoo magacaabay Xoghaye KMG ah, waxaana xil ka qaadistaas ka dhashay muran iyo xiisad, kaddib markii wasiir kuxigeenka iyo Wasiiru dowlaha Wasaaradda ay ka hor yimaadeen.

Munaasabadii koobneyd ee xil wareejinta ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiir kuxigeenka iyo Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha, waxaana Yaxye uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu ku wareejiyo xilka.

Warar ay heshay Jowhar.com ayaa sheegaya in Xoghayaha xilka wareejinaya inuu diiday in munaasabada xil wareejinta ay goob joog ka noqdaan Warbaahinta.

Sawiro lagu qaaday Mobile ayaa muujinaya Mr Yaxye Cali Ibraahim oo ku wareejinaya Xoghayaha Joogtada KMG ee lagu bedelay Mr C/llaahi Maxamuud Xasan document-yo ka mid ah howlihii uu Wasaaradda ka soo qabtay.

Xil ka qaadistii lagu sameeyay Yaxye Cali Ibraahim ayaa ka dambeysay markii, agaasimayaasha Waaxyaha iyo shaqaalaha Wasaaradda ay saxiixeen warqad cabasho ah oo ay ku qorneyd eedeymo culus oo ay ka mid yihiin inuu ku kacay maamul xumo, cadaalad daro iyo wada shaqeyn la’aan.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com

fadlan like saar boggeena facebook : Ilwareed Online

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: