var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Xildhibaano sheegay inay ka shaqeynayaan sidii ay u heli lahaayeen xuquuqda Gobolka Banaadir uu lahaa.

0

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inay ka shaqeynayaan sidii ay u heli lahaayeen Gobolka Banaadir xuquuqdii Gobolkaasi uu leeyahay.

Xildhibaanada ayaa sheegay in wadada sharciga ay u marayaan sidii loo heli lahaa Xuquuqda Gobolka Banaadir isla markaana iyagoo aan dad ku xad gudbin ay ka shaqeynayaan helida Xuquuqda Gobolka Banaadir, xildhibaanada ayaa sheegay inaysan dad ku xad gudbi doonin balse ay ka shaqeynayaan sidii loo heli lahaa Xuquuqda Gobolka uu leeyahay.

Xildhibaanad Mina Xasan Shibis iyo Xildhibaan Qaasim Cali ayaa si wadajir ah u sheegeay in lagama maarmaan ay tahay sidii lagu heli lahaa Xuquuqda Gobolka Banaadir.

Dhanka kale waxay sheegeen Xildhibaanada  inay ku dadaalayaan sidii loo heli lahaa Xuquuqda Maqan iyo sidii loo hormarin lahaa Gobolka Banaadir, iyadoo Magaalada Muqdisho ka soconayo kulamo gaar gaar ah oo ay yeelanayaan siyaasiyiinta, Odayaasha iyo Xildhibaano iyadoo kulamadaasi looga hadlayo xuquuqda maqan ee Gobolka Banaadir.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.