var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Xildhibaano Eedeyn u jeediyay Guddoonka Golaha Baarlamaanka

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Gudoonka golaha Shacabka in ay faragelin toos ah ay ku hayaan Laanta Fulinta,islamarkaana ay baajiyeen kulamadii Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegeen in ay wiiqantay Awoodii Golaha Shacabka ,islamarkaana Guddoonka Baarlamaanka ay dayaceen Shaqadooda.

Sidoo kale waxaa ay xuseen in Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya in ay ku howlan yihiin Soo xulista xukuumadda Soomaaliya iyadoo dastuurka uusan xaq u siin.

Xildhibaanada ayaa ugu dambeyntii Warqad ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in ay muhiim tahay in ay ilaaliyaan dastuurka dalka ,islamarkaana ay shaqadooda ay ka qabsadaan.

Inta badan xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xilliyadaan oo kale waxaa lagu eedeeyaa in ay ku dhex milmaan soo xulista Wasiirada.

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: