var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Xildhibaanada oo maanta ka shiraya Xilheynta Wasiir Xoosh

0

Ilwareed Online –

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta ka shiraya Arrinta la xiriirta Wasiirka Wasaarada Dastuurka Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jabriil.

Dooda ka dhalatay arrinta Wasiir Xoosh ayaa waxaa ku kala qaybsamay oo ku kala aragti duwanaaday Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Xildhibaanada ayaa Maanta dood adag ka yeelanaya arrintaan isla markaana soo afjaraya arrintaan maadaama muddo ay soo socotay.

Wasiirka Wasaarada Dastuurka Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa lagu heystaa inuu Baarlamaanka hor-tagi waayay, kaddib markii loo yeeray, waxaana uu horay uga hor yimid qaraarkii Xildhibaanada golaha shacabka ku laaleen go’aankii ka soo baxay Maxkamadda sare, kaasoo ahaa in dib loogu laabto doorashada 8 Xildhibaan.

Kulankii ugu dambeeyay ee Maalintii Arbacada ahayd oo ay yeelan lahaayeen Xildhibaanada Golaha Shacabka waxa uu u baaqday Kooram la’aan maadaama ay Xildhibaanada ku soo xaadiri waayeen tiradii uu ku furmi lahaa kulanka.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: [email protected]
fadlan like saar boggeena facebook : Ilwareed Online

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.