var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Loo Dhisayo Xarun KMG ah oo Ay Ku Sii Shaqeyn Doonaan

Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiweli Sh.ibraahim Mudeey oo uu wehliyo Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Mudane Cabdikariim Xaaji Cabdi “Buux” ayaa Maanta kulan la yeeshay masuuliyiin ka socda shirkada dhismaha u qaabishan dowlada turkiga ee Tikka. waxaana laga hadlay sidii dhawaan loo bilaabi lahaa Dhismaha xarun KMG oo uu Golaha kusii shaqayndoono,inta laga dhisaayo xarunta Golaha Shacabka oo la filaayo in dhawaan si rasmi ah loo bilaabo.

Dowladda Turkiga ayaa shaacisay in dhawaan ay bilaabi doonto dib u dhiska xarunta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, oo xiligana uu ka muuqdo burbur aad u xoogan.

Talaabadaan ayaa ka dambeysay kadib Kulan dhex maray Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Olgan Bekar iyo guddoomiye ku xigeenada Baarlamaanka Federaalka C/weli Muudey iyo Mahad Cabdalla Cawad waxaana kulanka lagu iclaamiyay in dhawaan la bilaabi doono dib u dhiska Xarunta golaha shacabka.


You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: