var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Xildhibaanada Baarlamaanka oo Maanta shiraya iyo Ajandayaal dhowr ah oo ay ka doodayaan.

Ilwareed Online

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeelan doona kulankooda caadiga ahaa, waxayna Baarlamaanku ka doodayaan dhowr ajande oo horyaala.

Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa ka doodaya Ajendaha ugu wayn ee Baarlamaanka ee ah Aqrinta koobaad ee heshiiska is dhaafsiga Maxaabiista Soomaaliya iyo Hindiya, Akhrinta koobaad Hindise Sharciyeedka Caafimaadka iyo Warbixinta Guddiga Gaadiidka ee Golaha Shacabka.

Gudoomiyaha Golaha Baarlamanka Soomaliya ayaa fariimo u direy xildhibaanada iyadoo lagu wargaliyay inay ka soo qeyb galaan kulanka,islamarkaana kulanka uu furmi doono saacadu markey tahay afar saac oo subaxnimo.

Baarlamanka Soomaliya ayaa maanta lagu wadaa in la horgeeyo sharciyo kale oo muhiim ah kuwaasi oo xildhibaanada ay ka doodi doonaan, iyadoo dhamaan wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho si aad ah loo adkeeyay, iyadoo laga mamnuucay inay gaadiidka maraan wadooyinka qaarkood.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: [email protected]
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

You might also like More from author

Comments are closed.