var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Xildhibaanada Baarlamaanka Oo Ansixiyay Xubin Ka Mid Noqon Doonta Guddiga Dib U Eegista Dastuurka

Ilwareed Online –

Kulanka Xubnaha Golaha Shacabka ay maanta ku yeesheen Magaalada Muqdisho ayaa waxa shir guddoomiyay Afhayeenka Baarlamaanka Maxamed Sheeikh Cismaan Jawaari, waxaana soo xaadiray 159 Mudane.

Ugu horreyn Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa Ansixiyay xubin cusub oo ka mid noqon doonta guddiga madaxa banaan ee hir-gelinta Dastuurka, taas oo ay dhaawaan soo ogolaadeen Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya.

158 Xildhibaanbayaa ogolaaday in Muumino Sheekh Cumar ay ka mid noqoto guddiga madaxa banaan ee hir-gelinta Dastuurka, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiye Jawaari.

Ugu dambeyn Muumino Sheekh Cumar ayaa Mudanayaasha Baarlamaanka uga mahadcelisay fursada ay siiyeen.

Waxaana ay ballan qaaday in si hufan ay uga shaqeyn doonto arrimaha Dastuurka iyo dib u eegista intaba.



Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline

You might also like More from author

Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.