var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Xildhibaan Yuusuf Kabaale oo ku baaqay in wax loo qabto Barakacayaasha ku dhibaateysan Duleedka Muqdisho.

Xildhibaan Yuusuf Ibraahim Afrax ( Kabaale ) oo uu Wehliyo Guddoomiyaha deegaanka Garasbaaleey ee duleedka Muqdisho Cabdiraxmaan Axmed Cali Garyare ayaa maanta booqday Kaamka Sablaale oo ku yaalla Duleedka Muqdisho kaas oo dhawaan ay ku geeriyoodeen inkabadan 74 Caruur ah.
Mudane Yuusuf Kabaale iyo Masuuliyiinta wehlisay ayaa mid mid ah u galay Aqallada ka sameysan Cooshadaha ee ku yaalla Kaamka Sablaale isagoo wax ka weydiiyay Xaaladdooda haatan.

Waxaana uu u ballan qaaday in Madaxda Dalka uu gaarsiin doono Arrinkooda isagoona ugu baaqay Masuuliyiinta Dalka in ay wax ka qabtaan xaaladda heysata Dadkaasi gaar ahaan Guddiga Gurmadka Abaaraha Qaran.

Dhinaca kale Guddoomiyaha deegaanka Garasbaleey Cabdiraxmaan Axmed Cali Garyare ayaa ka codsaday Wasaaradda Caafimaadka in Dadkaas lala soo gaaro Gargaar Caafimaad oo deg deg ah maadaama Caruurta ku geeriyootay Kaamkaasi ay u geeriyoodeen Xanuuno ay ka mid yihiin Jadeecad iyo Shuban Biyoodka.

Waxaa xusid mudan in inta ay joogeen Masuuliyiintaasi Kaamka Barakacayaasha Sablaale in ay dul tageen Caruur Yar yar oo halis ugu jira in ay qurbaxaan kuwaas oo ay heystay nafaqo darro iyo Caafimaad la’aan intaba.

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: