XILDHIBAAN DHEEG OO DIFAACAY CAQIIDADA SOOMAALIYEED EE ILLAAHAY INA AMRAY

Abwaanka soomaaliyeed Yuusuf dheeg oo ah xildhibaan ka tirsan maamulka somaaliland, ayaa gaashaanka u daruuray oo radiyay ficil aad u xun oo aan la aqbali karin oo soomaaliya loo soomarsiiyay wasaarada diinta ee soomaliland.Waligeedba way jiri jirtay in diinteena islaamka ah dad cadaw u ihi isku dayaan in ay marin habaabiyaan oo haday awoodaan burburiyaan gabi geedaba oo ka takhalusaan.

Hadana dhanka kale waligeedba waxaa jira rag uun u taagan difaaceeda.Gaalo iyo muslimba caalamka waxaa laysku raacsan yhay in la xumeeyo diimaha lana tix galiyo. Hayeeshee waxaa jira marwalba kuwo fidno wada yaal ah oo duumaha dura oo fara galiya si ay u abuuraan khalkhal diineed. kuwaa baas abuurka ah waa layska ilaaliyaa had iyo jeer,waxayna doonaan in ay dad yawga aduunka ka badalaan dhaqankooda iyo diintooda heer fidno ay ka gaareen.

Hadaba waxaan ognahay ururo xagjir ah oo gaalo oo takhasus u leh,iska horkeenka bulsho iyo tashwiish galin diintooda iyo dhaqankooda in ay waxan ka danbeeyaan. Waxaad arkaaysaa ururo yuhuud iyo gaalo isugu jira oo dad soomaaliyeed ku lacag siiya in ay xabaalaha qodaan oo lafaha dad dhintay soo uruuriyaan,ka dibna laga sameeyo sawiro iyo qoraalo iyo buugaag loo gu tala galay in dadka soomaaliyeed fidno mahahadha ah la dhex dhigo.

Waxaad arkaysaa diyaarado iyo kaarayaal magaalooyinka waa wayn ee gobolada waqooyi laga dhisay,si jiilasha soo koraaya,loogu beero cadaawad ah reer hebel baa idin neceb oo adin baa bi iyay,halkii laga bari lahaa dhibaatadii uu gumaysiga cadaanka ah u kala qaybiyay dhulkeena iyo dadkeena soomaaliyeed. halkaa laga bari lahaa cadawga qaranka soomaaliyeed ayaa labarayaa colaad uu u qaado walaalkii si markaa waligoodba soomaaliya dhexdooda colaadi u taal,tanoo qarinaysa in la arko gumaystihii reer yurub ee dadkeena iyo dhulkeena gumaystay.

Dadka aad arkaysaan ee xabaalaha qodaaya lacag baa lasiiyaa sirdoon shisheeye iyo hay adaa ka danbeeya gaalo. sidaa si lamid ah waxaad arkaysaan in hada la tijaabiyay HARGAYSA oo marna kaniisad laga furay,marna loola yimid diinta islaamka kor ha u qaadina oo masaajida aadaanka hoos u dhiga waayo dadkaa dhibsanaaya oo hurda. maxaa isu keenay hurdo iyo islaam? shacab gaalo ah miyaa dagan HARGAYSA oo aadaam aysan u baahnayn lagu dul wadaa mise dadku waa islaam 100%?

waxaase dadkii furtay oo difaacay muminkaa alle yaqaanka ah abwaan dheeg jazaaka llaahu khayr. waxa uu sheegayna waa xaq iyo gar cad uun. waana in sidaa layeelaa wax kale majiro.hana la ogaado in somaaliland iyo soomaaliyaba ay inagu dhex jiraan hay ado fasaadinaaya oo badalaya dhaqanka iyo diinta soomaaliyeed gacmahana kula jira.

Umada soomaaliyeed ha ilaashato dhaqankeedi iyo diinteeda duulanka lagu yahay. waxaan u mahad celinayaa walaakeen dheeg oo saxay khaldkaa laynagu tijaabiyay. arintani maha arin siyaasadeed oo waa go aynaa iyo ma go aysaan ah,waa mid ina wada taabanaysa oo ah duulaan lagu soo qaaday afkeena dhaqankeena diinteena oo aan kawada simanahay iskuna raacsanahay guud ahaan soomaali.Markaa soomaaliland ragbaa jooga libaaxya ah oo aan loo soo hulaaban karin.