Xildhibaan DFS ka tirsan oo kursi ka dishay Siyaasi kale oo Beeshiisa ah 11 sanno kahor,Aqirso

Dhacdooyinka foosha xun ee siyaasada Soomaaliya ka dhex dhaca ayay kamidtahay Dhacdadan,

Xildhibaan Mustaf Dhuxulow maxaa 2008-kii loogu eedeeyay dilkii loo gaystay Abdisalaan Nuur?

Waa kuma Abdisalaan Nuur Mahadale ?
Abdisalaan Nuur waxa uu ku dhashay Magaalada Ceelbuur Gobolka Galgaduud , waxbarashadiisa dhexe-sarre ilaa iyo jaamcad waxa uu ku qaatay Magaalada Muqdisho , waxa uu ahaa aqoonyahan ku taqasusay dhaqaalaha , sideetameeyadii waxa kasoo shaqeeyay madbacadda qaranka soomaaliya, burburkii dowladii dhexe kadib waxa uu xisaabiye guud ka noqday dowladii uu madaxwaynaha ka ahaa Cali Mahdi Mohamed, intaasi kadib waxa uu soo noqday gudoomiyaha Maaliyadda Gobolka Benaadir dowladii kumeel gaarka ee Abdiqasim Salaad Hassan , Aqoonyahan Abdisalaan allah u naxariistee waxa uu ahaa aqoonyahan dalkiisa iyo dadkiisa ugu adeegay cilmigiisa,

Markii laysugu tagay dalka Kiinya imbagaati si soomaaliya dowlad loogu dhiso waxa halkaasi isugu yimid dhamaan beelaha soomaaliyeed si ay uwada heshiiyaan , sidoo kale doorashadii xildhibaanada ayaa iyaduna socotay , bilowgii sanadii 2004kii aqoonyahan Abdisalaan waxa la soo xariiray shaqsiyaad farabdan oo kamida siyaasiyiin beeshiisa ah kuwaaso kula taliyay in uu yimaado dalka kiinya si uu uga mid noqdo xildhibaanda Baarlamaanka soomaaliya shaqsi ku matalo beeshiisa gaar ahaan lafta uu kasoo jeedo ee Habar-cayno hassa ahaatee Abdisalaan waa uu ka cudurdaartay (sida uu noosheegay Abukar Abdisalaan oo ah Curudkiisa waxa uu yiri , waa run waa la soo wacay Aabo dhoorjeer arintaas waa uuna ka cudurdaartay maadaama awoowe oo xanuunsan joogay, bilo kadib waxa aabe soo wacay Mohamed Qanyare Afrah oo ahaa siyaasiga beesha ugu waynaa markaa waxa uuna ku wargaliyay aabe in xildhibaanadii kuraastooda ay beesha Murusade gudoontay loona baahanyahay in la qaybsado , gaar ahaan Lafta Habar-cayno in aad booskooda kusoo matasho ayay dad badani isku raaceen ee imaaw ayuuna yiri , xiligaasi aabe waxa aad culays badan uga haystay dhanka familka gaar ahaan Awoowe oo xanuunsan ayuu la tacaalayay sidaas ayuuna markale uga cudurdaartay in ay adagtahay waqtigan tagistiisa kiinya )

intaasi kadib beeshu waxa ay qaadatay go,aan ah in xildhibaanada 2 kursi ee habar-cayno ku matalilahaa laso saaro , kursiga koowaad waxa loo doortay xildhibaan Caraale ,waqti ayay qaadatay in beeshu qof kale siiso kursigaasi , wadatashi waqti qaadatay kadib waxa arintaasi maqlay xildhibaan Mustaf Sheekh Cali dhuxulow oo jooga Dalka ingiriiska , waxa uuna durbadii yimid kenya isagoo fursat u arkayay maqnaasha Abdisalaan Nuur , dhoor maalin kadib Mustaf waxa uu noqday xildhibaanka kursiga labaad ee beesha habar-cayno ku matali lahaa, taasi oo ka caraysiisay shaqsiyaad badan oo siyaasada beesha kaga horeeyay marxaladahii shirkaasi laga soomaray kaga waayo aragsan waxana laysku raacay in kursigaasi musuqmaasuq iyo lacag uu adeegsady Mustaf dhuxulow ,

Goormuu tagay Baydhabo,
Aqoonyhan Abdisalan Nuur waxa uu tagay Baydhabo bishii Agust 2008 waxa ayna halkaasi ku kulmeen siyaasiyiin beeshiisa kamida, gaar ahaan xildhibaanadii ku matalayay dowlada soomaaliya oo uu ka mid ahaa Caraale iyo Mustaf sheekh Cali dhuxulow, arima badan waa ayayna ka wada hadleen sida ay dad goobjoogayaal ah sheegeen,

Mustaf dhuxulow waxa uu walaac badan ka muujinayay imaanshaha Abdisalaan nuur ee Magaalada baydhabo iyo isbdelka siyaasadeed ee markaa la filayay, maadama waqtiga lagu jiray uu ahaa mid kala guur siyaasadeed ah , dhanka kale waa ay iska cadeed Abdisalan in uu waqtigaasi u yimid in uu u kamid noqdo siyaasiyiinta dadkiisa ku matalilahaa , dowlada KMG soomaaliya waqtigii kasii dhamaaday, taasina caqabad badan ayay ku ahayd Mustaf dhuxlow maadama nin ka miisan culus uu soogaaray Magaalada Baydhabo oo xarun u ahayd dowladii KMG,

Sidee loo dilay ?
Abdisalaan joogistiisi magaalada Baydhabo kama soo wareegin waqtidheer, dhamaadkii bishii Sagaalaad Bil ramadaan ah waxa magaalada dhexdeeda ku toogtay oo xabado baas ah ku dhuftay Askari katirsan dowlada soomaaliya gaar ahaan ciidamadii waardiyaha u ahaa xildhibaano iyo siyaayiin gaar u ahaa koox uu kamid ahaa Mustaf dhuxloow, askariga dilkaa gaystay waxa lagu magacaabi jiray ShawShaw waxa una dhashay Beesha Luwaay, sida ay xaqiijinayso baaritaano la sameeyay askarigan waxa uu sigaara uga tirsanaa ciidamadi ilaalada u ahaa Mustaf Dhuxulow kuwaa oo kasoo haray ciidankii uu kaga tagay Gudoomiyahii hore ee Baarlamaanka Sheekh shariif Sheekh aadan saaxiib dhawna la ahaa mustaf Dhuxlow waqtigaas, ShawShaw waxa uu ahaa taliyahii ciidamda kooxdan Mafiyada ee dadka ku qaarinjiray Magaalada Baydhabo dhexdeeda,

Xasuusin dilalka qorshaysnaa ee xiligaa Baydhabo ka Dhacay ,
⦁ ugu horayn 2006 waxa toogasho lagu dilay xildhibaan Abdalla deeroow isaaq magaalada baydhabo dhexdeeda isaga oo kasoo baxay salaada jimcaha,
⦁ siidaasi si lamida bilowgii bishii sagaalaad 10.2008 kooxdaasi waxa ay magaalada Baydhabo ku dileen Xildhibaan Maxamed Cusmaan Maye oo xili habeena kasoo baxay salaada taraawiixda masaajid Kuyaala xaafada Mursal, waana qofkii labaad ee isla sanadkaasi lagu toogto Meel ay ciidamada dowlada ka arimiyaan Baydhabo, xildhibaanka waxa loo aanayay in loodilay kariixis kursiga uu marka ku matalayay,
⦁ isla dhamaadkii bishan septemper 2008 waxa la toogtay Abdisalaan nuur Mahadale magaalada Baydhabo Bartankeeda waxa fuliyay isla kooxdan askarta ah,

Toogasho
Abdisalaan isaga oo sooman ayaa Magaalada baydhabo lagu dhextoogtay Mustaf dhuxlow iyo Caraale oo ah labaduba xildhibanao markaa wa lagu wargaliyay dhaawaciisa balsa waxa dhaawaciisa durba sooqaaday Xildhibaan caraale oo dhaqtar dhigay kadibna xamar ayaa loosoo saaray gaari maadama waqtigaasi diyaarado gobolkaasi kasoo qaadi kartaa maysan jirin, Abdsalaan allah u naxariistee 4 oktoober 2008 ayuu ku geeriyooday isbitaal madiino ee Magaalada muqdisho,

Sidee lagu ogaaday cida dilka ka dambaysa
Mustaf dhuxulow Baaritaanadii ay si wadajira u sameeyeen familiga abdisalaan iyo beesha uu kaso jeedaan raad ayaa soogalay mana suurtagalin in uu ka shaafiyo, waqtigan lajoogo wali waxa uu mustaf kujiraa falkii Mafiya ahaa, waxa ogsoonahay in uu siyaasiyiin badan uu shirqoolo u dhigay intii uu ka tirsana dowlada faderaalka soomaaliya qaarna lagu dilay qaarna ku dhaawacmeen, dad badan oo beesha ka mida waxa ay aad uga walaacsanyihiin i damacooga siyaasadeed uu halis galin karo naftooda marka ay arkeen shirqoolada uu maleegayo Mustaf ,

Qormadaan
waxa ay koobaysaa sida ay wax u dhaceen, waxana marka ugu horayso Mustaf laga codsanayna in uu ogolaado in arinkaas suaalo laga waydiiyo si fool ka fool ah , hadii looga qanci waayana , waxa ay reerkani sheegeen gaar ahaan caruurtiisa in ay maxkamad caalamiya ka dacwayndoonaan oo ay odayaal iyo beelba daawayn karin dhaawaca qalbigooda uu soo gaarsiiyay caruutiisa,

(Aabahay Abdisalaan Nuur Mahadale shirqool ayuu u dhigay Mustaf Sheekh Cali dhuxulow )

Mar aanu la xariirnay Xildhibaan Mustaf Duxlow si aan arintani wax uga waydiino waa inoo suurtagli wayday sababa jiro awgood, waxana rajaynayna in warbixintani gaaridoonto,

Wtf, Mahadsanidiin.