var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Xildhibaan Dalxa “Dowladda Dhexe Way Ka Gaabisay Xalinta Khilaafka Galmudug”

Ilwareed Online

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay Xaaladda qalafsan ee ka aloosan Magaalada Cadaado, taas oo u dhexeysa Masuuliyiinta Maamulka Galmudug.

Mudane Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in Maamulka Galmudug dhisiddiisa laga soo maray dhibaato aad u badan, islamarkaana aan laga fileynin  heerka uu maanta taagan yahay, isagoo hoosta ka xariiqay in dowladda Soomaaliya ay ka gaabisay kaalintii kaga aadaneed.

Waxaana uu ugu baaqay Siyaasiyiinta isku haya  Arrimaha Galmudug in si walaalnimo  ah ay ku dhameeyaan Khilaafkooda, islamarkaana aan colaad loo horseed Galmudug.

Muddooyinkii dambe ayaa Magaalada Cadaado waxaa ka taagnaa Muranno siyaasadeed oo aad u xoogan una dhexeeyay Madaxda sar sare ee Maamulka Galmudug, kuwaas oo aan weli wax xal ah laga gaarin.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: