var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Xiisad u dhexeysa Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Kenyan ah oo ka taagan Xadka Labada Dal

0

Ceelwaaq -Wararka naga soo gaaraya Magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa ku soo warramaya in weli Xiisad ay ka dhex aloosan tahay Ciidamada Kenya iyo Soomaaliya taas oo salka ku heysa Dhul Ballaarsi Ciidamada Kenya ay ka wadaan Xadka ay wadaagaan labada Dal.

Saraakiisha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Degmadaasi Ceelwaaq ayaa Shabelle u sheegay in Ciidanka Kenya ay sii xoojiyeen qorshaha dhul ballaarsigooda ee ay ka wadeen maalmihii dambe Xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Sidoo kale Saraakiisha ayaa intaas ku daray in Ciidamada Kenya ay Baldoosyo iyo Agabyo kale ay doonayaan in ay ku dhul ballaarsadaan kuwaas oo ay soo dhoobeen Xadka labada Dal.

Maalin ka hor ayey ahayd markii Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Kenya ay isku Rasaaseeyeen degmada Ceelwaaq deegaanno hoostaga.

Dhawaan ayey ahayd markii Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu heshiis dhinacyo kala duwan taabanaya la gaaray Dhigiisa Dalka Kenya Uhuru Kenyata. xigasho: shabellenews

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.