var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Xiisad Dagaal oo u dhaxaysa Puntland iyo Galmudug oo Magaalada Gaalkacyo laga dareemayo.

0

Warar aanu ka helayno gobolada dhexe ayaa sheegaya in Xiisad u dhaxeysa Maamulada Puntland iyo Galmudug ay Maanta ka taagan tahay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.


Xiisadaan cusub ayaa la sheegay inay ka dhalatay kadib markii la sheegay in Maamulka Puntland ay Dhisme ku bilaabeen Garoonka Diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo.
Cabdi Xuseen Maxamed Guddoomiye Ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug ayaa sheegay inaysan Aqbaleyn in Puntland ay dhisto Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo islamarkaana Garoonku uu yahay Hanti ka dhaxeysa Labada Maamul.
Dhanka kale Guddoomiye Ku xigeenka Gobolka Mudug ee Galmudug ayaa ka digay inuu Dagaal ka dhasho Dhismaha Puntland ay ku sameyneyso Garoonka Diyaaradaha.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.