var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Xiisad dagaal oo ka taagan degmada Caluula

Wararka inaga soo gaaraya Degaanka Xaabo oo 5-KM dhanka Waqooyi ka xiga Degmada Caluula ayaa waxa ay sheegayaan in saakay halkaasi ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa Ciidamada Puntland iyo kooxdii Afduubatay Markabka.

Xiisadan ayaa timid kadib markii kooxdii Burcad badeeda ee Afduubatay Markabka ay la aadeen Degaanka Xaabo oo 5-KM dhanka Waqooyi ka xiga Degmada Caluula, waxaana dhabagal ku haya Ciidamada Puntland.

Wararka kale ayaa sheegaya in cabsi ay ka jirto Degaanka, kadib markii laga war helay in Ciidamo Ajaanib ah oo wata Markab Dagaal ay ku baxeen kooxda Afduubatay Markabka Shidaalka sida.

Kooxda Burcad badeeda oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay in aysan dooneyn wax Madax furasho ah, hase ahaatee waxa weli yar in faah faahin dheeraad ah laga helo kooxda Burcad badeeda.

Ciidamada Maamulka Puntland oo isugu jira kuwa Badda iyo dhulka ayaa shalay waxa ay gaareen degmada Caluula ee Gobolka Bari oo ah halka Kooxda dhalinyarada ah ay ku heystaan Markabka.

Kooxda dhalinyarada ah ee Kalluumeysatda ah aya iyaguna waxa ay sameynayaan diyaar garoow ku aadan sidii ay isaga difaaci lahaayeen Ciidanka Puntland.

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: