Xidhibaano Soomaaliyeed oo ka shiray fatahaada webiga shabelle

Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Xubno ka mid ah Guddiga Gurmadka Fatahaadaha ee Maamulka Hir-Shabeelle ayaa kulan waxaa ay ku yeesheen magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, waxaa ayna ka wada hadleen arrimo la xiriira fatahaadaha iyo sida gurmadka loo gaarsiin karo dadka dhibaateysan.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hir-Shabeelle Cali guudlaawe Xuseen ayaa goobjoog ka ahaa kulanka, waxaa diirada lagu saaray sida uu u socdo howlaha loogu gurmanayo dadka ay saameeynta ku yeesheen Fatahaada Wabiga Shabeelle ee Magaalada Beledweyne.

Xubnaha xildhibaanada ee ka qeyb galay kulanka ayaa waxaa ka mid ah, Xildhibaan Daahir Amiin jeesow, Xildhibaan samiiro Xildhibaan khaliif Cabdi Cumar iyo Xildhibaan Faadumo Qamar Faarax.

Cali Guudlaawe Madaxweyne ku Xigeenka Hir-Shabeelle ayaa guddiga kula dardaarmay in dadka Jilicsan ee liita iyo Dadka baahiyaha gaarka ah qaba muhiimada ugu wayn ee gurmadka la siiyo.

Kulanka ayaa la isku afgartay in si nidaamsan looga qeybiyo deeqaha shacabka uu saameeyey fatahaada uu Wabiga Shabeelle ka sameeyey Magaalada Baladweyne.cod

Webiga Shabeelle ayaa saameyn ku yeeshay qoysas badan oo ku noolaa magaalada beledweyne, kuwaasi oo haatan ku dhibaateysan deegaanka Ceeljaalle ee gobolka Hiiraan.





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline