var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo kulan la qaatay Jaaliyadda Minneapolis

Ilwareed Online

Axmed Cali Daahir Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Xoghayaha guud ee Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya Xildhibaan Sadiiq Warfaa ayaa Kulan wadatashi iyo xog waran ah la yeeshey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Minneapolis ee Gobolka ee Mareykanka.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa ka warbixiyay xaaladda dalka Soomaaliya uu marayo, isagoo u sheegay Qurba Joogta Soomaaliyeed in laga doonayo in ay si weyn uga dhex muuqdaan Horumarka dalka.

“Dalka Soomaaliya haatan waxaa ka jirta Dowlad u taagan sidii loo horumarin lahaa dalka, isbedelo badan ayaa jira iyo rajooyin, balse waxaa looga baahan yahay Qurba Joogta Soomaaliyeed sidii kaalin mug leh ay uga qaadan lahaayeen dib u dhiska iyo horumarka dalkooda Hooyo”. Ayuu yiri Dr. Axmed Cali Daahir.

Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo ah Xoghayaha Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka ayaa ka codsaday Jaaliyadda Soomaaliyeed sidii ay ugu qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska dalka Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha dhismaha iyo horumarinta Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, si loogu guuleysto xaqiijinta amniga iyo ka hortaga weerarada Shabaab.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: