var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Xaliimo Yarey oo maanta hor tageysa Golaha Baarlamaanka

Ilwareed Online –

Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulankoodi caadiga ahaa ku yeelanaya magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa inay warbixin ka dhageystaan Guddiga Madaxa Banaan ee doorashoyinka Qaranka.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ajandaha baarlamaanka ee maanta uu qeyb ka yahay in Xildhibaannada ay warbixin ka dhageysan doonaan guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Xildhibaanka ayaa xusay in Xukuumadda ay ku talaabsatay horumaro muuqdo, haddii ay ahaan lahayd u gurmashada dadka tabaaleysan, baarmij daqli loogu aruurinayo ciidamada xoogga dalka iyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Dhinaca kale Xaliimo Cismaan (Xaliimo Yareey) Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa sheegtay inay diyaar u yihiin sidii ay warbixin u siin lahaayeen baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyadoo xustay in tani ay qeyb ka tahay sida uu dhigayo dastuurka KMG ah ee dalka.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : Ilwareed Online

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: