var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Xafalad lagu soo dhaweynayay Madaxweynaha cusub Gal Mudug oo ka dhacday Kampala Dalka Uganda.+Sawiro

Xaflad oo si heer sare loo soo  agaasimay  oo lagu soo dhaweynaayay Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa soo qabanqaabiyay jaaliyadaha Soomaaliyed ee  ku dhaqan dalka Uganda magaalada Kampala,  waxana lagu qabtay Hotelka Caalami oo loogu magac daray {KING  CROSS }  waxaana hormuud ka ahaa nabadoon Cumar Gaabane, Dr Abdikariim Macamed Abdi Gaas, iyo xubno kale iyo weliba Nabadoon Tahliil Maxamed.

Munaasabadaasi  oo isugu  jirtay hambalyo iyo duco ayaa waxaa guud ahaan ka qayb galay qaybaha  kala duwan  ee Bulshada, waxaana xafladaasi  ugu horeyntii ka  hadlay Nabadoon Cumar Gaabane oo sheegay  in madaxweynaha cucsub ee Maamul gobeedyada Galmudug Axmed Ducaale Geele uu yahay shaqsi u qalama  xilkaasi adag  ee loo dhiibay “Waxaana leenahay duco iyo hambalyo”.

 

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Suldaan Cali Caraale oo sheegay in madaxweynaha looga baahan yahay inuu marka hore iclaamiyo  dib  u hishiiisiin si  geedi socodka  maamul goboleedka Galmudug u amba qaado waxaa sidoo kale ka hadlay Suldaan Maxamed Jaamac Seed oo sheegay duco iyo hambalyo aanan lagu koobin loona baahan yahay in gacan buuxda la siiyo Maamulka cusub.

 

Waxaa iyana halkaasi ereyo kooban ka soo jeediyay Suldaanka  Bariga Afrika Maxamed Cabdi oo Loo yaqaan Gaaas oo sheegay in waa cusub beryaya maamul Goboleedka Galmudug Loona baahan yahay in lalal shaqeeyo  madaxweynaha cusub  Galmudug si shacabka ay uga baxaan dhibaatada abaaraha  iyo  colaadaha.

 

Gabagadii xafladaa waxaa ka hadlay Dr Cabdi kariim oo sheegay  in aqoon duruksan u leeyahay madaxweyne Ducaalle Geelle  oo sheegay in wax ka qaban doono arrimaha maamulka Galmudug  isklamrkaana wax ka badali  doono dhaqaalaha iyo siyaasadba.

 

Dhanka kale Gunaanadkii Xaflada  ayaa waxaa khadka telefoonka kaga qayb qaatay  Madaxweyne  Axmed Ducaale Geelle  Xaaf oo marka hore ka mahad celiyay xafladaasi quruxda badan intii soo qabanqaabisay sheegayna in laga qayb qaato dib u dhiska dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in maalinimada 21 bish may  2017 ay tahay caleema saaarka Madaxweynaha Galmudug.

 

Si kastoo ahaataba doorashada Madaxweynaha Galmudug ayaa ku soo beegantay xilli ay howl adag horyaaliin madaxweyne Ducaale oo ay ugu horeyso dhinaca  magaalada Gaalkacayo  oo xarig jiid ba’ani ka jiro.rika

WD: Cismaan Amrika

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: