var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Xabsiga Magaalada Baledweyen ee gobolka Hiiraan oo laga siidaayay Odayaal dhawaan lagu xiray halkaas

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baledweyen ee gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in maanta Xabsiga Magaalada Baledweyne laga siidaayay 7 oday dhaqameed oo maalmihii lasoo dhaafay halkaas ku xirnaa.

Xariga Odayaashaan ayaa yimid ka dib markii nin ay isku heyb yihiin oo Askari ah uu dilay qof shacab ah ka dibna ay Odayaashu ay iska diideen amar lagu siisay in ay soo qabtaan ama ay keenaan askarigaasi, laakin Odayaasha ay ku adkeysteen in ciddii askariga hubka u dhiibtay ay masuul ka tahay wax kasta uu geysto, sidoo kalana maamulka laga doonayo in uu isaga soo qabsado ee aan Odayaasha lagu eedin wax aysan masuul ka aheyd, taasna waxa ay sababtay in la xiro Odayaasha oo lagu eedeeyay in ay qariyeen Askari.

Maanta Xabsiga waxaa laga soo daayay 7 oday oo kaliya , waxaana jira kuwo wali ku xiran Xabsiga.

Nabaddoon Islow Rooble oo ka mid ahaa Odayaashii Xabsiga laga soo daayay ayaa sheegay in ay wali jiraan kuwo u xiran maamulka gobolka Hiiraan.

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: