XAALADA HAYADA NAAFADA QARANKA

Ilwareed Online- Dadka,naafada halgan dheer kadib waxaa u suurtagashay in loo dhiso hayad qaran ee dadka naafada somaliyed taas oo dikreto madaxweyne ku soo baxday 31 december 2018.
Hayada naafada qaran waa hayad madax banan taas oo hostegeyso wasaarada xaquuqul insaanka iyo horumarinta haweeyn. Taas oo ay dadka naafada ka dalbadeyn reysulwasaraha iyo gudoonka balamanka Mr Jawari.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheeyre waxaa uu dadka naafada ku bedelay portafolio wasrada shaqada shaqalaha waxana ka jaray qeybta naafada. Waxaa si toos loo hoos geeye Wasaarada xaquuql insaanka iyo haweeynka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheeyre waxaa uu amray in wasiir saalax uu arinka naafada u dhaafo waairada xaquuqul insaanka. Maadama ay cabasho ka mujiiyeen hoos joogida wasrada shaqada.

Ra’iisul wasaare kheeyre waxaa uu amaray in dadka naafada iyo wasirada xaquuqul insaanka ay wadashaqeeyaan si wadajir ah uso dhisaan hayad madax banan.

Dadka naafada waxaa ay qorsheynayeen in helitaanka wasrada naafada, commission naafada iyo kamid noqosho labada gole ee baarlamanka. Waxana ay aheed dalab iyo wax ay halgan ugu jireeyn mudo dheer.

Ra’iisul Wasaare kheeyre waa uu awooday aburida wasaarad naafo balse waxaa ka dorbiday dhismaha hayad madax banan oo ah wax wasiir uu qaban kare. Commission waa arin u bahan dasturka in lagu soodaro.

Wasiir Deeqo Yaasin, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheeyre iyo madaxweyne farmaajo waxaa ay qabteeyn wax madaxdii ka horeeysan aysan qaban ama aysan isku dayin. In wax uun loo dhiso dadka naafads. Balse waa ineey ay ogadaan in dadka naafads aysan garin hadafkooda ama iyaka aysan dadka naafada u qabanin waxa ay xaq u lahayeen.
Geedi socodka dhismaha hayada wuu soo idlaaday waxa u maraya heerka ugu dambeeye. Wasirada ayay gacanteeda ku jirta. Waxaana taagan is fahmiway qaabka wax loo magacabayo.

Dadka naafada,waxaa ay ka dhiidhiyen in,5 qof hayada ugu sarey 2 kamid ay noqdan. Dad aan naafo aheyn taas sharciga ayaa laga saray. Hada waxa taagan in 2 kamid laga dhigo qurbo joog. Taa oo ay dadban oo naafada ka ah ay ka biyo diideyn

Halganka loo soo maray xaquuqda dadka naafada qeeyb ka aysan ahaeeyn ururada dadka naafadana qeeynweyn kama aheeyn. Dadka naafada dalka joogo wexe u arkan in ay haboneeyn ka mid noqosho quebo joog.

Dad badan oo naafada ka mid waxaa qaban in tixgelin kowaad lasiiyo dadka dalka joogey shalay ku shaqeynaye si mutadawacnimo. Kuwaa diyaar u ah in ay dadka naafada u sii shaqeyan hadii dhaqale lawaye.

Arinkan wexeey dadka naafada u arkaan in qurbo joogta ay yahiin kuwo soo naq raacay marka ay maqleeyn miisaaniyad naafo. Halka qorax joogta ay aaminsayhiin in ay naf iyo maal u hureey waxaa u dhintay 2 gudomiye Shiekh Cumar iyo Cumar Ukun oo ah dad hoganki hore golaha naafada hada 2 wasaarad kala qeybiyeen.

Wasiirada Deeqo Yasiin hadeer wexee wadaa in dadka naafada ay kala qeeybiso iyado ashqaas aan cidna wakiilan baalka lu wadato. Kuwaa oo aan naafada misaan iyo muqaal ku dhex laheyn.Waxaa kale oo ay wadaa in dadka naafada ay qeeyb qeeyb ula kulanto taa micnaheeda tahay qeeybi oo xukun si aad danahada u gaarto.

Waxaa hubaal ah in dadka naafad ay ka biyo diidanayhiin sida hada waxa u socdan. Dadka naafada waxaa ay cabashooyin xogan gaarsiyeen 2 baarlamanka, ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha.

Madaxweyne Farmajo iyo guddomiyaha aqlaka sare waxaa ay mujiyeen in ay la wadageeyn walaaca dadka naafada oo ah in hayada loo dhiso dadka naafads. Balse aan loo dhisin wax dano qaas ah lagu gaaro.

Dadka naafada waxaa ay markasto ku dadalaya dhismaha haday munaasib ku ah daryeelka. Horumarinta iyo awoodsiinta dadka naafad.

Wasirad Deeqo Yaasiin waxaa ay ku mashqulsantahay xalinta mushkilada ka heysto xildhibaano, Ganacsato, siyaasiyiin iyo qurbo joog u xusul duuban 5 xubanaha sare hayada naafads iyaka oo wato dad qabiil iyo dano qaas lagu wato.

Xalka waxaa uu gacanta ugu jiraa Alaha. Kasow dadka naafada, wasiirada, ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha in la sameyo qorshe samatabixin.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline