var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Xaaf oo Wasiirada Galmudug uga digay kulamo uusan ogeyn inay la qaataan UN-ka

Ilwareed Online

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa kaga digay xubnaha Golaha Wasiirada cusub ee maamulkiisa inay kulama aanan la ogeyn ay la qaataan Xubnaha ka tirsan Qaramada Midoobay.

Xaaf oo ka hor hadlaayay Baarlamaanka Galmudug, ayaa Xildhibaanada u sheegay inay ku soo wargeliyaan haddii ay arkaan Wasiir ka tirsan Galmudug oo kulamo aanan la ogeyn la qaadanaya masuuliyiinta Qaramada Midoobay ka tirsan.

Madaxweyne Xaaf, ayaa sheegay Wasiir kasta oo ka tirsan Maamulka Galmudug in laga doonaayo inuu soo sheego kulamada, waliba Golaha Wasiirada Galmudug uu horgeeyo Ajandaha uu doonaayo inuu kala hadlo Xubnaha Qaramada Midoobay, kadibna la isla garto cida loo diraayo kulankaasi.

“Waxaan idiin sheegayaa haddii aad aragtaan Wasiir iska ordaya oo UN-ka iyo meel istaag wada noo soo sheega, Wasiirka waa inuu xafiiska soo fariistaa, waa in marka uu aadayo meel uu Golaha Wasiirada horkeena, kadibna loo ansixiyaa ama laga doodaa oo la dhahaa ma adigaa aadaya, mise Wasiir Ku xigeenka, ama Agaasimaha Wasaaradda ayaa loo dirayaa, kulan aanan la ogeyn Wasiirada ma sameyn karaan waa in la iska war haayaa, waliba kuwa UN-ka lala qaadanayo.”Ayuu yiri Madaxweyne Xaaf.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: