var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Xaaf oo Cadaado ku laabtay & golaha Wasiirada Galmudug Shiray oo qodobo soo saaray?

Ilwareed Online

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa dib ugu laabtay Cadaado.
Xaaf ayaa booqasho ku joogay dalka Isutaga Imaaraadka Carabta, halkaasoo uu horay u sheegay inuu u joogo arrimo siyaasadeed, waxaana dayuuradii ka soo qaaday Magaalada Abuu Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ay ku soo dejisay Garoonka Berbera oo uu Gacanta ku hayo Imaaraadka.

Madaxweyne Xaaf ayaa xiligii hore ka soo degi jiray Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho balse Maanta ayuu si toos uga soo degay isagoo uga sii gudbay Magaalada Cadaado.

Soo laabashada Xaaf ayaa ku soo beegantay xili Cadaado ay ka taagan tahay xiisada siyaasadeed oo u dhaxeysa Madaxweyne ku xigeenk Galmudug iyo Madaxweyne Xaaf ka dib markii ay isku khilaafeen taageerada uu xaaf siiyey xulufada Sacuudiga.

Dhinaca kale, Waxaa Magaalada Cadaado ee Xarunta Galmudug kulan deg deg ah ku yeeshay Golaha Wasiirada Maamulkaas.

Golaha Wasiirada ayaa kaga wada hadlay kulankooda xalinta khilaafka soo kala dhexgalay Hoggaanka ugu sareeya Maamulka Galmudug iyo dagaalada ka soo cusboonaaday Mudug.

Waxaa kulankan ka soo baxay qodobo uu saxaafada u akhriyey Wasiirka Warfaafinta Galmudug Maxamed Aadan Cusmaan (Mesagawaa), waxaana ka mid ahaa

1) In la joojiyo shirarka siyaasadeed inta xal laga gaarayo khilaafka Siyaasadeed ee ku soo kordhay Madaxda Galmudug.

2) In dowlad goboleedka Galmudug loo daayo xalinta khilaafka ka dhex jira dhexdeeda.

3) In Waqti la geliyo howlaha mucaawino gaarsiinta dadka ay abaartu saameysay ee ku nool degaanada Galmudug.

4) In ay feejignaan muujiyaan Ciidamada amniga.

5) Sidoo kale Goluhu waxy baaq nabadeed u jeediyeen Maleeshiyaadkii ku dagaalamay Bariga gobolka Mudug, iyagoo ka codsaday iney xabada joojiyaan.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: