var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Wiil uu dhalay Guddoomiyihii hore ee deg. Afgooye oo la afduutay

0

Sida ay sheegeen Qaar kamid ah dadka kunool degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose kooxo Afka soo duubtay ayaa xalay Afduubtay Wiil u dhalay Gudoomiyihii hore ee degmada Afgooye Cabdullaahi Cabdi Axmed.

Kooxaha ayaa la sheegay in ay Wiilka ay kala baxeen Guriga, islamarkaana ka xaysteen ilaa iyo Haddana aan la ogeyn halka ay la aadeen.

Dadka degaanka ayaa sidoo kale sheegay in Bulshada ay qalqalgalisay falkaasi Afduubka ah.

Dhankale dadka kunool degmada Afgooye ayaa sheegay in ay dhibaato ku hayaan Kooxo Burcad ah oo dadka dhac u geysta xilliyadda habeenkii ah.

Maamulka degmada Afgooye ayaa Wali ka hadlin Afduubka xalay ka dhacay Afgooye.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.