var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Wiil todobo jir kooxda Daacish ku soo xireen walxaha qarxa oo la qabtay + Sawirro

Milateriga Ciraaq ayaa ka qabtay agagaarka magaalada Mosul wiil Toddoba jir ah oo lagu soo xiray waxyaabaha qarxa si isku qarxiyo kaasoo la socday qoysas ka qaxay dagaalada ka socda magaaladaas.

Ilmahan yar ayaa dusha ka xirnaa Funaanada buluuga ah ee lagu yaqaano Kooxda Chelsea gaar ahaan nambarka uu qaato ciyaartoyga Hazard.

Wiilkan ayaa sheegay in walxahan qarxa uu jirkiisa ku soo xiray nin adeerkiis ah oo ka tirsan kooxda Daacish si isugu qarxiyo ciidamada Ciraaq oo todobaadyadii la soo dhaafay ka waday magaalada duulaan looga saarayo kooxda Daacish.

Askari ka tirsan ciidamada Ciraaq oo ku taqasusay waxyaabaha qarxa ayaa ku guuleystay inuu furfuro qaraxa lagu soo xiray wiilkaas yar oo xitaa aan kala garaneynin cadowgiisa iyo saaxiibkiisa.

Kooxda Daacish ayaa inta badan qaraxyada ay fuliyaan waxay u adeegsadaan caruur da`dooda ay aad u yar tahay, mana ah markii ugu horeysay ee dalka Ciraaq lagu arko caruur lagu soo xiray qaraxyo.

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: