Weriye Khashuqji Wiil uu dhalay oo sheegay inuu cafiyay dadkii ka dambeeyay dilka Aabihiis

Muqdisho:-Mid ka mid ah wiilasha uu dhalay weriyihii reer Sucuudi ee Jamaal khashuqji oo la yiraahdo Salah Jamal Khashqji ayaa cafis u fidiyey dadkii, Aabihii dilay sida uu ku sheegay war qoraal ah oo uu soo dhigey barta Twitter-ka uu ku leeyahay.

Kooda u dooda xuquuqul insaanka ayaa dhowr mar ku eedeyey in boqortooyada Sucuudiga ay ka cagjiideyso in ay cadaaladda marsiiso, dadkii ku lugta lahaa dilka weriyeJamaal Khashuqji.

Dhinaca kale arrintan cafinta ah, ayaa waxaa ka soo hor jeesatay Khadiija oo ahayd gabadh u doonanayd weriye Jamaal, balse la dilay ka hor inta aanay aqal gelin.

Khadiija ayaa war qoraal ah oo ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayaa iyadana waxa ay ku sheegtay in aysan suurto gal ahayn, in la cafiyo dhiigga weriye Jamaal, oo loo baahan yahay in cadaaladda la hor keeno. Horaantii sanadkii 2018 ayay ahayd markii weriye Jamaal lagu dhex dilay safaaradda dalka Sucuudigu ku leeyahay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline