var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Weli Ma Aragtay Yaanyo Lagu ilaalinayo Askar Iyo Qoryo

0

Ilwareed Online –

Waxaa sare u kacay qiimaha lagu kala iibsado yaanyada ee wadanka India taasoo keentay dhac iyo boob baahsan oo lagu hayo yaanyada, sidaasi darteedna dadka ka ganacsada yaanyada waxay hadda bilaabeen inay soo kireystaan askar ku hubeysan qoryo.

Gnacsatada Jumlada u iibiya qudaarta ee suuqa weyn ee magaalada Indore, gobolka Madhya Pradesh ayaa keensaday illaalo hubeysan kadib markii kooxo tuugo ah ay boobeen kartoono yaanyo ah.

Halista waxa ay badantahay marka baabuurta xamuulka laga dajinayo yaanyada sida ay sheegeen maamulayaasha suuqa weyn ee Devi Ahilya Bai Holker oo la hadlayey wargeyska Hintustan Times ee dalkaasi kasoo baxa.

Gobolka Madhya Pradesh waxaa sanadkani soo maray xili beereed wanaagsan, waxaana u soo go’day yaanyo badan taasoo keentey in beeralayda qaar ay dariiqyada ku daadiyaan yaanyada bil ka hor.

Balse hadda xiligii ay baxaysay lama joogo, waxaana uga sii daray roobab daadad wata oo harqiyey dalaggii beeraha, sidaasi darteedna waxaa aad sare ugu kacay qiimaha yaanyada oo kiiladii ay gaartay illaa iyo 100 rupees ama $1.55.

Dadka fuqarada ah ayaa cabasho badan ka qaba Qiimahan sare u kacay, waxaana la sheegay in basasha oo qaaliyowday ay sabab u noqotay in la rido dowlado badan oo dalkaas soo maray, iyadoo haatan siyaasiyiin badan ay walaac badan ku heyso Yaanyada qaaliyowday, iyagoo ka baqaya iney dhacaan kacdoono dadweyne oo horseed u noqda iney xilalkooda waayaan.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: [email protected]
fadlan like saar boggeena facebook : Ilwareed Online

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.