var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

WAXQABADKII 100ka maalin ee Formaajo!

0

Ma runbaa, 100ka maalin, ee uu xilka hayey Formaajo, in loo qabanqaabinayo xaflad lagu soo bandhigo waxqabadkiisii?

Horta xaflad ha loo dhigee, muxuu qabtay 100kaa maalin? Weydiin culus. Halkan hoose ka fiiri wuxuu qabay;

– codeyntii muuqsidaha Aljazeera ayuu soo galay!
– wuxuu la kulmay beesha caalamka, ee XALANE deggan.
– Xasan Cali kheyrre ayuu RW u magacaabay.

– is la sacadaha magacaabay RW, ayuu u baqoolay dalka Sucuudiga.
– wuxuu villa Soomaaliya ku qabtay xaflad lagu soo dhaweynayo kalsoonid helidda RW.
– MW wuxuu yeeshay sawirqaade rasmi ah.
– Shir abaaraha looga hadlayey, ayuu shirguddoomiyey!
– Wuxuu Villa Soomaaliya ku qabtay, kulankii loogu magacdaray: #EATANDTWEET!
– wuxuu hal habeen xilalka ka qaaday, badi saraakiishii ugu sarraysay laamamaha amniga iyo qaybaha ciidanka! Khalal amni oo dhacay! Allow adaa faxan!
– wuxuu booqday magaalada Baydhabo, gobolka Baay, Koofur Galbeed.
– Kenya ayuu booqasho rasmi ah ku tegay, oo uu heshiisyo hore u rahmanaa la soo saxiixday, qaarkoodna aysan wali hirgelin.

– wuxuu socodyo kale ku tagay dalalka Imaaraatka, Itoobiya, Turkiya, Jabuuti, Qadar IQK.
– wuxuu iclaamiyey asoo tuute ciidan gashan xaalad dagaal, oo ka dhan Alshabaab! Wa dagaal 10gu’ ku dhawaad iyo ka badan ay bulshada Soomaaliyeed ku jirtay!
– waxaa booqasho Muqdisho ku yimid wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ingriiska iyo Jarmalka, oo kan hore Madaxtooyada lagu qaabilay, kan kalana garoonka Aadan Cadde!
– wuxuu socod dhulka ah ku tagay degmada Afgooye, oo u eheed bulshadaa cunuqabayan.
– madaxda maamullada dalka ayuu Muqdisho ku la shiray!
– sidoo kale madaxda oo dhan, ayaa ka wada qaybgalay shirkii London, oo looga hadlay wax aan la aqoon! Halkaa waxaa lagu arkay midnimo iyo wadajir! Madaxdu gacmaha ayey isqabsadeen, uurkana waa ka la xirteen!
– wuxuu ka qaybgalay maalmo xuseed oo ciidan iyo dhallinyaro isugu jirtay.
– wuxuu is ka dabamagaacabay 3 agaasime madaxtooyo!
– wuxuu isu magacaabay la taliyayaal.
– wuxuu ka qaybgalay xafladdii calafsaarka MW Galmudug Axmad Ducaale “Xaaf”

Kuwaa iyo kuwo kale ayaa looga dhigay, may, uu ka dhigtay WAXQABAD, ee qoodhiin iyo xeradiin ma WAXQABAD baa?!

Hore waxaa u jiray erayo la dhaamay, sida GUULWADE, JAALLE, DIBUSHEESHIIN, JIHAAD, SHABAAB, IQKB, haddana, waxaa lagu soo daray erayga WAXQABAD! MAGAG!

Hadda inta kor ku xusan iyo kuwo kale, ma idin la yihiin WAXQABAD? Alla WAXQABAD ayaa is ka ba’ay!

Waa la MURRUGAY!

W/Q: Bashiir M.Xersi

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.