var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Waxgaradka iyo Siyaasiinta Beesha Xawaadle oo qaadacay go’aankii Dowlada Federaalka ka qaateen Hirsdhabeele

Ilwareed Online

Khayre iyo Taabit oo lagu eedeeyey in Olole Xoogan ka Dhex Wadaan Beesha Xawaadle

Waxgarad iyo Siyaasiyiinta ka tirsan Beesha xawaadle ayaa qaadacay Go;aankii ka sioio baxay Dowlada Federaalka ee Baarlamaanka Hirshabeele Xilka uga qaadeen Madaxweyne Cali Cabdulaahi Cosoble waxayna sheegeen in ariintaas ay feregelin ku tahay Dastuurka dalka.

‘ Dowlada kama fileyn Go’aankaas waana mid horsewedya in Burbur uu ku yimaado Maamulka Hirshbeele “ayey Yiraahdeen Waxgaradkaas oo sheegye in ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga tashan doonaan ayaaha ku aadan labada Gobo lee Hiiraan Shawelada Dhexe.

Dhinaca kale Iyadoo Cirka isku Shareertey Xiisadaha Siyaasadeed iyo Afgambigii Fashilmey ee k a dhacay Degmada Jowhar 14 Bishaan oo lagu haminayey in Xilka looga qaado Madaxweyne Caosob sida ay qabaan inta badan Xildhibaanada Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta Maamulka Hirshabeele.

Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Waxgaradkaas ayaa noo Xaqiijyey in Raiisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Gudoomiye Taabit Cabdi Maxamed ku heshiiyeen in ay dhaqaale ku Bixiyaan sidii Madaxweyne Hishebeele loogu badeli Cabdulaahi Joodax Barre oo hore isugu soo sharaxay Xilkii Madaxweyneha Hirshebeele.

Xubnahaas Waxay noo sheegeen in Villa Soomaaliya Raisul Wasaare Khayre iyo Gudoomiye Taabit Kulama kula yeesheen siyaasiyiin ka tirsan Beesha Xawaadle in ay ku taageereen in Cabdulaahi Joodax Barre uu u noqan lahaa Madaxweynaha Hirshibeele.

Siyaasiyiintaas iyo Waxgaradkaas Beesha Xawaadle ayaa ugu baaqey Raiisul Wasaare Khayre iyo Gudoomiye Taabit in ay ka waan toobaan in ay joojiyaan Hurinta iyo iska Horkeenida Beesha Xawaadle.

Maadaxweynaha Hirshabeele Cosoble ayaa hore ugu eedeeyey in Raiisul Wasaare Xsan Cai Khayre in uu dhaqaale ku bixinaayo burburka Dowlad Goboleed Curdanka ee aan weli Sannad u Buuxsaamin ee Hirshabeele.

Madaxweyne Hirshabeele oo Haatan ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu wadaa Kulamo uu la leeyahay Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta Beelaha Gobolada Hirraan iyo Shabeelada Dhexe iyadoo kulamadaas looga arinsanayo Xaalada Siyaasadeed ee ka jira Maamulka Hirshabeele iyo Aayaha Dambe ee Labadaas Gobol.



Mogadishu – Somalia


Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: