Waxbarashada & Akhlaaqda Ubadkaaga la soco.= Nasashada Jimcaha. Q-113aad=.

1- Gabar 19 jir ah ayaa Aabaheed ku tiri: Aabe fasaxaan ma waxaad aadee Afgoi mise Qolka Dhafarka iyo shiishada ee Liido?. Aabihii oo marqaansan ayaa ku yiri: Liido ayaan aadayaa. Gabadhii ayaa ku tiri: Sababtana, Aabihii ayaa ku yiri: Afgoi horaan u tagay, laakin Liido weli ma tagin.

Aabihii ayaa ku yiri: Gabadheydey, Adiguna fasaxa Isgoolka xageed aadi laheyd, waxa ay tiri: Afgoi. waxa uu yiri: Sabab, waxa ay tiri: Qolkaa Liido horaan u tagay. Aabihii oo yaaban,Yaah, Qof yar baad tahaye, side? . waxa ay ku tiri: wiilka deriskeena ay ee ka yimid London, Cabdi qurbo ayaa mar hore i geeyay. ( Fiiri Sawirka 1aad).

(Xaaladda Deriskaaga la soco,Somalidaa ku maahmaahda “Deriskaagu kumana Cadeeyo, kumana madoobeeyo ee sida uu yahay ayuu kaa dhigaa” Deris khayr qaba).

2- Wiil qurbaha ka yimid ayaa arkay Abkoowgiis oo maalin kasta kitaabka Qur’aanka aqrinaya, waxa uu ku yiri: Awoowe, Aabe sidaan Buugaagta uma aqriyo ee adigu imtixaankeed diyaarinee.

( Ubadka bar in uu Quraanka Aqriyo maalin kasta, si uuna Waalidkaa & Bulshada kugu hor ceebeyn,Ceeb kalena yuuna Qiyaamaha kuu keenin).

3- Gabar Ardayad ah ayaa Hooyadeed ey weydiisay. Saacadaan Isgoolka kama imaan jirin ee maxaa ku keenay waqtigaan?. waxaa uu ku tiri: Hooyo, waxaan ka jawaabay su’aal Ardayda oo dhami ey ka baqeeyn in ay ka jawaabaan.

Hooyadii ayaa ku tiri: Waan kugu ogaa Aqoontaa, maxeey aheyd su’aashu?.waxa ay tiri: Hooyo, Waxaa nala weydiiyay, yaa macalinka dhagaxa ku dhuftay?. Waxaana ku jawaabay Aniga. (F.S: 2aad).

( Nin masuul ahaa ayaa yiri: waxaan soo Saxiixay heshiis Somaalidu ay ka baqayn inay Saxiixaan.Muxuu Ahaa heshiisku?…………)

4- Macallimad ayaa ku tiri: Hooyo Faadumo, wiilkaagu maanta waxa uu sameeyay wax aynan Ardayda kale sameeyn Karin, ma Aabihii ayuu ka keenay mise Hooyadii?.

Hooyo Faadumo ayaa tiri: war aniguu iga keenay wanaaga & Fahamka uu Ardayda kale uga hor maray ee muxuu sameeyay?. Macalimadii ayaa ku tiri: khamri ayuu cabay. ( F.S:3aad)

(Weligaa warbixinta oo aan laguu dhameystirin, Go’aan ha qaadan!!!).

5-Hooyo ayaa odaygeedii ku tiri: Mar kasta oo aan lacag meel dhigto, wiilkani waa iga xadaa. Aabihii ayaa ku yiri: Buugtiisa dhax gali Lacagta!. Hooyadii ayaa ku tiri: Sabab? Aabihii ayaa ku yiri: Weligii ma furayo Buugaagta, ma isagaaba wax aqriyo. (F.S: 4aad).

(Haddii uu nin mas’uul ah Lacagta xadayo, sheeg meel aan ku ridno oo uunan weligiis ka Fiirineyn?)

6-Wiil arday ah ayaa hooyadii ku yiri: Hooya maanta imtixaankii waa la soo dhajiyay, waxaana helay 100 buundo. Hooyadii oo ku faraxday 100ka Buundo ayaa ku tiri: Maadadee?, waxa uu yiri: Xisaabta=10, Ingriiska=20, Biology=20, Kimistray= 5, carabi 15, Fisikis= 30. Soow Boqol ma ahan!.

( Haddii qof Masuul ahi ku yiraa: Dhaqaaluhu waxa uu kordhay 100%. Weydii, Qaybaha Dhaqaale ee kobcday, iyo kobaco jeebka uu isbedelka ku sameeyay ma kiisa, mise waa kaaga).

La soco xaalada Ubadkaaga.

Qore: Yahya Amir.





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline