Wasiirka Waxbarashada XFS oo la kulmay Xubno ka tiran UNICEF

Wasiirka waxbarashadda hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa kulan la qaatay  ku xigeenka wakiilka hay’adda UNICEF iyo madaxa qeybta waxbarashada hay’addaasi.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubno ka tirsan wasaaradda waxbarashadda hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.

“Maanta waxaan xafiiskeyga magaalada Muqdisho kulan kula qaatay ku xigeenka wakiilka hay’adda UNICEF iyo madaxa qeybta waxbarashada hay’addaasi, kulanka waxaa igu wehelinayay xubno ka tirsan wasaaradda waxbarashadda hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, arrimaha ka wada hadalnay waxaa ka mid ah mashariicda horumarineed ee hay’adda UNICEF ka fuliso Soomaaliya gaar ahaan dhanka waxbarashada’ayuu yiri wasiirka waxbarashadda Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre.

Wasiirka waxbarashadda xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa xubnaha ka socday hay’adda UNICEF uga mahad celiyay tageerada  ay siiyaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dhanka waxbarashadda.

Wasaaradda waxbarashadda hiddaha iyo tacliinta sare  ee xukuumadda federaalka Soomaaliya markasta waxay dadaal ugu jirta sidii kor loogu qaadi lahaa tayada waxbarashada dalka.





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline