var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Wasiirka Gargaarka iyo Musiibooyinka Qaranka oo iska Casishay xilkeeda Wasiirnimo.

#Ilwareed Online – #

Maryan Qaasim Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Musiibooyinka Qaranka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday inay iska casishay xilkii ay ka heysay ee Xukumadda Soomaaliya ee Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Musiibooyinka Qaranka.


War qoraal ah oo ay soo dhigtay Barteeda twwitter-ka iyo Shir jaraa’id oo ay goor-dhaw qabatay ayaa waxay ku sheegtay inay iska casishay Xilkaas laga bilaabo maanta oo ay Taarkiihdu tahay 15-11-2017.
Maryan Qaasim ayaa is casilaadeeda ku sheegtay daruufo u gaar ah, ma jirto Faah faahin intaas ka dheer oo ay ka bixisay sababta ay Shaqada uga tagtay.
Warar madax banaan ayaa sheegaya in maalmihii la soo dhaafay uu jiray khilaaf u dhaxeeyay Wasiir Maryan Qaasim iyo Ra’iisal Wasaaraha khilaafkaas oo soo bilaawday markii uu dhacay Qaraxii Zoobe ee Muqdisho.

khilaafka ayaa la sheegay in uu salka ku haayo Guddi ay magacaawday Xukumada Soomaaliya, Guddigaas ayaa lagu magacaaabaa “Guddiga Gurmadka Qaran ee Musiibadii ka dhacday Zoobe” wasiir Maryan Qaasim ayaa la sheegay inaan laga tala gilin Guddigaas sidoo kale waxa la sheegay in Guddiga ay toos ugu xiran yihiin Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale xalay oo ugu dambeysay qaabilay guddi Lacag ka soo aruuriyay Soomaalida ku nool Uganda iyo Kenya sidoo kale Guddigaas ayaa la kulmay Ra’iisal Wasaare Kheyrre, maryan Qaasim ayaan la kulmin Guddigaas iyo Guddiyo kale oo ku Howlan Daryeelka dadkii dhibka ka soo gaaray Qaraxii Zoobe.
Dhankakale Wasiir Maryan Qaasim ayaa dadka yaqaana waxay ku tilmaamaan Wasiir aan Faa’iido doon aheyn waxayna sidoo kale ka mid ah tahay shaqsiyaadka kooban ee Dalka Xil ka qabtay tan iyo bur burkii oo ay shaqadeeda amaanaan Shacabka Soomaaliyeed.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com

fadlan like saar boggeena facebook : #ilwareedonline

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: