Ilwareed Online
Daily News and entertainment from East Africa stay connected and get up-to-date news and events | @ilwareed | @ilwareedonline.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya “Saraakiisha Ciidamada waa inay ka taxadaraan faafinta sirta Ciidanka..”

C/rashiid C/llaahi Maxamed Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa sheegay in aan la faafin Karin Xogaha Ciidanka Xooga Dalka, isagoo sheegay in aysan aqbali doonin in la faafiyo oo Banaanka la soo dhigo waxyaabaha u qarsan Ciidamada Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inuu ka shaqeynayo sidii loo qarin lahaa Xogaha Wasaarada Gaashaandhiga isla markaana loo ilaalin lahaa wax walbo oo u gaar ah Ciidanka, isagoo sheegay in arrimo ku saabsan Ciidanka iyo Siyaasadooda aan laga hadlin Karin loona baahan yahay in la ilaaliyo.

Mar uu Wasiirku la hadlaayay Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka ugu baaqay inay ka taxadaraan faafinta xogta Ciidanka, wuxuuna sheegay inaysan dhici doonin in la isaga dhawaaqo dagaal.

Dhanka kale Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya C/rashiid C/llaahi Maxamed ayaa Ciidamada Xooga Dalka ugu baaqay inay sii laba jibaaraan howsha adag oo ay hayaan,

Download ilwareed App from Google Play Store. Ilwareed App
Comments
Wuu socdaa sug...