var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Wasiirka Gaashaandhiga Mareykanka oo Jabuuti u tagaya Howlgal ka dhan ah Al-Shabaab

James Matis Wasiirka difaaca Mareykanka ayaa maanta booqanaya dalka Jabuuti isagoo la kulmi doono saraakisha Mareykanka ee dalkaasi ku sugan waxana uu kala hadli doona balaarinta howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.


Diplomaasi Maraykan ah oo diiday magaciisa in warbaahinta loo adeegsado sababo la xiriira inuusan ka hadli karin arimaha Militariga ayaa shaaca ka qaaday in Matis marka uu tago saldhiga Mareykanka ee Jabuuti ku leeyihyiin uu halkaasi kula kulmi doono Saraakisha Military ee Mareykanka, Diplomaasigaan ayaa sheegay in qorshahaan uu daba socdo go’aankii Madaxweyne Trump uu ku wargeliyay taliska Mareykanka ee Africa balaarinta dagalka Al-Shabaab.
Maraykanka ayaa dalka Jabuuti waxaa ka jooga ciidamo gaareya 4500-askari, saldhiga ugu weyn ee Africa ayaa wuxuu dalka Jabuuti, waxana laga fuliyaa werarada ka dhanka ah Al-Qaacidada dalka Yemen iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaabka Soomaaliya.
Dhanka kale Shalay ayay ahayd markii Al-Shabaab ay sheegtay in weerar madaafiic ah ku qaaday saldhiga ciidanka Mareykanka ee Bali doogle ee Gbolka Sh/hoose.

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: