var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Wasiirka Duulista ee Dawlada Imaaraatka Saif Mohammed Al Suwaidi Oo Berbera ku soo socda

0

Maalmaha soo socda waxa imanaaya Magaalada Barbera Wefti Balaadhan oo uu hogaaminaayo Wasiirka Duulista ee Dawlada Imaaraatka Saif Mohammed Al Suwaidi.

Weftiga waxa Magaalada Berbera ku soo dhawayn doona Madaxweyne Siilaanyo waxanay Weftigu Booqan Doonaan Dekeda iyo Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Berbera

Ka dibna weftiga iyo Madaxweyne Siilaanyo waxay diyaarada usoo raaci doonaan Magaalada Hargeysa oo soo dhawayn loogu samayn doono, waxana shir lagu yeelan doona xarunta Madaxtooyada.

Waa markii u horaysay ee wefti balaadhan oo ka socda imaaraatku yimaadaan Somaliland.

Imaaraatka ayaa haatan raba in uu la wareego garoonka diyaaradaha ee Berbera, dhawaana waxay la wareegeen dekeda Berbera.

Jamaal Ibraahim
Hargeysa

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.