Ilwareed Online
Daily News and entertainment from East Africa stay connected and get up-to-date news and events | @ilwareed | @ilwareedonline.

Wasiirka Cadaalada XFS oo kulan la yeeshay Danjiraha Dowlada Talyaaniga u fadhiga Soomaaliya

Ilwareed Online –

Wasiirka Cadaaladda Xukumadda Soomaaliya ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Talyaaniga u fadhiga Soomaaliya waxayna kawada hadleen arrimaha Cadaaladda,  intii uu kulankan  socday ayaa wasiirka iyo safiirka waxay ay kormeereen qeybaha kala duwan iyo Xafiisyada Wasaaradda

Wasiirka Caadaladda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo la hadlay warbaahinta qaranka  ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan cid kasta oo ka gacansineysa Tayeeynta iyo hormarinta Wasaaradda.

Dhanka kale Wasaaradda ayaa maantaTababar  lagu barandoono habraaca iyo sharci dejinta ee cadaalada dalka u furtay Shaqaalaha Wasaarada Cadaaladda iyo Wasaaradaha Caaladda Maamul Gobleedyada Xubnaha ka ah dowladda dhexe si loo helo shaqaale qibrad u leh qorista iyo shaci dejinta.

Wasiir Xasan Xuseen ayaa sheegay in tabababar dheeraad ah ay u baahanyihiin shaqalaaha  Wasaaradaha si loo xoojiyo xirfadooda aqoneed.

Wasaaradda Cadaaladda Xukumadda Soomaaliya ayaa mudooyinkii ugu dambeyay waday qorshooyin lagu hormarinyo dhisida sharci dejinta iyo hormarinta cadaaladda  dalka.



Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline

Download ilwareed App from Google Play Store. Ilwareed App
Comments
Wuu socdaa sug...