Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Mareykanka

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dawladda Federaalka Soomaaliya Amb. Ahmed Ciise Cawad oo maalmahan ku sugnaa magaalada Minneapolis Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa kulan la qaatay  qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed,qaybaheeda kala duwan & Madaxda Gobolka Minnesota,wuxuuna.

Mudane Amb. Ahmed Ciise Cawad ayaa ka war-bixiyey xaaladda dalka iyo guulaha laga gaaray arrimaha Siyaasadda,Ganacsiga iyo xariirka caalamiga ah.

Kullankaan oo ay iskaashadeen hay’adda Global Minnesota oo ah Hay’ad ay kullansadeen ganacsatada Gobolka & Jaamacadda Augosburg ayaa waxaa wasiirka Su’aalo  laga waydiiyey Xaaladda dalka,isagoo jawaabo waafi ah ka siiyey dadkii goobta ku sugnaa.

Ugu danbayntii wasiirka ayaa Xusay doorka ay jaaliyadda Soomaaliyeed ku leedahay dib-u-dhiska Soomaliya,kulana dar-daarmay in ay tallo,Toosin & tabarucaadba uga qayb-qaataan kalin mug & miisaan ba leh.

W/D:-Abdihakim Abdi ismail





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline