var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Wasiirka Arrimaha dibadda ee DFS oo maanta kulamo la yeeshay qaar ka mid ah Danjirayaasha shisheeye ee Xamar jooga

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa maanta xafiiskiisa si gooni gooni ugu qaabilay Danjirayaasha  Turkiga iyo Sweden ee fadhigoodu yahay  yahay magaalada Muqdisho Olgan Bekar iyo  Mikael Lindvall.

Kullamadan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda, C/qaadir Axmed-Kheyr, Agaasimaha Guud ee Habmaamuuska iyo Agaasimaha Yurub iyo Ameerika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Mudane Yuusuf Garaad Cumar ayaa Labada Danjire uga warbixiyay isbeddelka dalka ka dhacay iyo in ay Dowladdu tahay mid la dagaallameysa musuq maasuqa isla markaasna si xooggan wax uga howlantay gudashada howlaheeda gaar ahaan la socoshada lacagaha soo gala iyo kuwa ay kharash gareyso.

Sidoo kale Wasiirka ayaa u ballan qaaday danjireyaasha  in Wasaaradda Arrimaha Dibaddu ay xoojineyso Adeegga Habmaamuuska Qaranka maaddaama uu Agaasinkaasi yahay iridda saxda ah ee xiriirka caalamiga ah ee ay Dowladaha iyo Hey’adaha Ajnebiga ahi ay tahay in ay u soo maraan xiriirka, casuumadaha, kulammada iyo wadashaqeynta iyaga iyo hey’adaha Dowladda Soomaaliyeed.

Wasiirka Arrimaha Dibbada Soomaaliya ayaa Dowladaha Turkiga iyo Sweden waxa uu uga mahadceliyay taageerada ay siinayaan Soomaaliya, taasi oo ah mid ummadda Soomaaliyeed ay raalli ka tahay abaalna ay uga hayso.

Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Olgan Bekar ayaa sheegay in mashruuc biyaha iyo waraabka ah uu ka hirgeliyay Jowhar, isaga oo sidoo kale sheegay in uu damacsan yahay in uu degaanno kale uu gaarsiiyo taageeradiisa.

Dhanka kale Danjiraha Sweden ee fadhigiisu yahay Muqdisho Mikael Lindvall ayaa aragti wanaagsan iyo yididdiilo ka muujiyay Xukuumadda cusub iyo sida ay Safaaradda Sweden u ballaaratay baaxad ahaan intii uu isagu ahaa Danjiraha.

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: