var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya oo maanta hor tagaya Golaha Shacabka.

Ilwareed Online

Maanta oo Axad ah ayaa Xildhibaanada Golaha shacabka Soomaliya kulankooda caadiga ah waxaa hor imaan doona Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar oo dhawaan laga gudbiyay Mooshin ka dhan habka Shaqaaleysiinta Xubnaha Cusub ee ka mid noqonaya Wasaaradaasi.

Ajandaha kulanka maanta ayaa ah su-aal Weydiin ku wajahan Wasiirka Arrimaha Dibadda ee xukuumada federaalka soomaaliya oo wax laga weydiin doono shaqooyinka wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaliya tan iyo markii Xilkaasi loo magacaabay.


Dhawaan Illaa 12 Xildhibaan oo ka tirsan golaha shacabka Baarlamanka Soomaliya ayaa mooshin ka gudbiyay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Yusuf Garaad Cumar si wax looga weydiiyo ku dhaqan la’aanta faritaanka sharci Lr. 112 sharciga shaqaalaha arrimaha dibadda ee dalka oo dhaqangalay 05/09/2013 gaar ahaan qodobkiisa 1aad(b) iyo qodobka 4aad ee shuruudda diblomaasiga dibadda loo diraayo.

Xildhibaanada qaar ayaa sheegay in aysan jirin xiisad taagan iyo Mooshin Colaadeed balse kani uu yahay sixid iyo wax isku sheegid iyadoo wasiirka lagu biirin doono Talooyin Su’aalaha kadib.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: [email protected]
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

You might also like More from author

Comments are closed.