Wasiirka amniga Hirshabelle oo ka walaacsan ka bixitaanka AMISOM ee deegaanada ka

Kaddib markii AMISOM ay ku dhawaaqday in ciidamadoodu kusugan deegaanada hirshabelle ay iskaga baxayaan dalka ayaa arrintaasi waxaa wallaac ka muujiyay madaxda ugu sareysa Hirshabelle, islamarkaana baqdin badan ay ku abuurtay dadka shacabka ah ee ku nool deegaanada uu ka taliyo maamulkaasi.

Wasiirka amniga ee maamulka Hirshabelle Cabduqaadir Aadan Jeelle ayaa cabasho ku aaddan ciidamada AMISOM ee iskaga baxaya deeganaada Hirshabelle waxaa uu u gudbiyay Guddiyada arrimaha gudaha iyo amniga ee aqalka sare iyo senatarada ka soo jeeda deegaanada Hirshabelle, kaddib markii uu la qaatay kulan.

Kulanka ayaa aad loogu lafa Guray xaaladaha amni ee haatan ka taagan maamulka Hirshabelle deegaannadiisa iyo sidii Al-shabaabka weerarada ku soo qaada degmooyinka iyo deegaanno ka tirsan Hirshabelle looga saari lahaa gabi ahaan.

28 bishan ayaa la filayaa in ciidamada AMISOM laga saaro deegaano ka tirsan Hirshabelle, maadaama halkaasi ay joogaan.

Lama ogana waxa iska badeli doonaa qorshaha AMSIOM ee ka bixitaanka deegaanada Hirshabelle.





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline