var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Wasiir Amniga oo shirka Booliska Adduunka uga qeybgalay Doha+Sawirro

Ilwareed Online –

Maxamed Abuukar Islow Ducaale Wasiirka Wasaarada Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka qayb galay Shirka 5-aad ee Booliska Adduunka (INTERPOL ) oo looga hadlayey la dagaalanka ka ganacsiga Dadka iyo Tahriibka.

Shirkaasi ayaa ka Qabsoomay oo magaalada Doxa ee Caasimada dalka Qatar 6-dii iyo 7-dii Bisha December, Waxaana Ka soo qayb galay Wufuud ka socotay dhamaan Dalalka Caalamka.

Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa Kulan la yeeshay Mas’uuliyiin ka tirsan Dawladda Qatar oo uu ka mid yahay Wasiirka Maamulka Horumarinta Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Arimaha Bulshada ee dalka Qatar,  Waxayna labada dhinac ka wada hadleen Sidii la isaga kaashan lahaa Xidhiidhka INTERPOLKA iyo Sida Shaqooyin Iyo Tababar loogu samayn karo Dhalinyarada Soomaaliyeed.


Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline

You might also like More from author

Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.