Wasaaradda Ganacsiga XFS iyo Bangiga Adduunka oo Shir uga furmay Magaalada Nairobi

Nairobi- Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha JFS Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan, ayaa maanta magaalada Nairobi ka furay shir u dhaxeeya Wasaaradda iyo hay’adda IFC oo ka tirsan Bangiga Adduunka.

Shirkan oo Agaasimaha ay ku wehelinayeen Madax ka tirsan Wasaaradda, ayaa hay’adda waxay ka wada-hadleen siddii loo xoojin lahaa xidhiidhka iskaashi ee labada dhinac, horumarinta Ganacsiga iyo  fududeynta wax dhoofinta.

Shirka, waxa kale oo ay kaga wada-hadleen siddii kor loogu qaadi lahaa mashaariicda iyo shaqooyinka ay ka wada-shaqeeyaan labada dhinac ee khuseeya Ganacsiga iyo Maal-gashiga, maadaama wakhtigaan ay dawladda Soomaaliya u dhow dahay in laga cafiyo deynta.

   





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline