var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Wasaaradda Amniga oo digniin u dirtay Dagaalyahanada Shabaab

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Axmed Maxamed (Sayid Carab) ayaa digniin u diray dhalinyarada ku jirta ururka Al-shabaab ee la tuhunsan yahay in ay ku dhuumaaleysanayaan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Ciidamada ammaanka mar walba in ay diyaar u yihiin in ay ka hortagaan falalka amni daro ee ururka Al-shabaab ay doonayaan in ay ka geystaan magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Ciidanka ammaanka ayuu ku ammaanay qaabka ay ugu diyaarsan yihiin sugidda amniga, isaga oo sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Ciidanka ammaanka.

Axmed Maxamed (Sayid Carab) Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa Dhalinyarada ku jirta ururka Al-shabaab ugu baaqay in ay ku soo biiraan Dowladda Federaalka, si ay u helaan fursado shaqo.

Hadalkan ayuu sheegay Axmed Carab xilli xalay xarunta CID-da ee magaalada Muqdisho lagu soo bandhigayay nin la sheegay in shalay uu Bambo gacmeed ku weeraray suuqa khudaarta ee Bakaaraha, halkaasi oo ay ku geeryoodeen laba Qof oo shacab ah, halka laba kalena ay ku dhaawacmeen.

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: