var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Wasaaradda Amniga DFS oo loo magacaabay afhayeen cusub

Ilwareed Online

Wareegto ka soo baxday xafiiska Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa afhayeen cusub loogu magacaabay Aqoonyahan Cabdi Casiis Cali Ibraahim, waxaana sidoo kale loo magacaabay inuu noqdo La Taliyaha Wasiirka Wasaaradaasi.

Wasiirka Wasaaradda Amniga gudaha Dowladda Soomaaliya ayaa wareegtadiisa ku sheegay in C/Casiis Cali Ibraahim uu ku xushay karti iyo aqoon, sidaasi daraadeedna uu ku muteystay firfircoonidiisa howl karnimo.

C/Casiis Cali Ibraahim ayaa ahaa aqoonyahan qoray buugaag ka hadleysa hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, wuxuuna ka mid yahay qurba joogta Soomaaliyeed balse dalkooda dib ugu laabtay.

Wasiirka Wasaaradda amniga Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) oo ku saxiixnaa wareegtada ayaa lagu ogeysiiyay dhammaanba madaxda iyo saraakiisha wasaaradda Amniga.

 



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: