Wasaarada warfaafinta iyo warbaahinta Soomaalida oo Ku fashilmay doorka soo gudbinta

Beenaalayaashii iska dhigayey inay wadani yihiin Ee ilaa shalay social media-yaha ka qaylinayey illa-wareedkoodu wuxuu ahaa sawirka Madaxwaynaha oo Ethiopian Airline kasoo degaya uuna la socdo RW Ethiopia. Wixii ka danbeeyey way miyir daboolnaayeen ayaga iyo kuwa mucaaradka sheegta ee beenta usoo waxyooday markii horena sababtaba u ahaa murankaan in baddeena la galiyo.

Saaka Waxaa lagu Waa bariistay in dawladdu ay qoraal u dirtay xubnaha Golaha amaanka 05.03.2019 taas oo lagu cadaynayey in waxa kaliya ee dawladdu ay ku kalsoon ay tahay maxkamadda caalamiga ICJ .

Waxaa taas saaka noo xigay warbaahinta Kenya oo si waafi ah uga hadashay in Kenya ay isku dayday in Urur goboleedka IGAD uusoo dhex galo arinta oo bal la raadiyo qaab murankaas lagu xalin karo hase yeeshee taasna waxaa gaashaanka ku dhuftay Madaxwayne Farmaajo oo ku adkaystay in arintaas waqtigeedii lasoo dhaafay ayna adagtahay inay dhacdo.

Haddaba arintaani waxay marqaati ka tahay in dawladda Soomaaliya gaar ahaan wasaaradda warfaafintu ay gabi ahaanba ku fashilantay gabtayna doorkeeddii oo ay ku guul daraysatay inay shacabkii Soomaaliyeed ay shir jaraaid ugu soo gudbiso kolba halka xaalku marayo. Waana taas midda keentay in Sawirka Madaxwaynaha oo diyaarad kasoo dagaya iyo Twitter-kii Abbiy Axmed ay noqdaan waxa kaliya ee shacabka aqoontoodu aanay dhaafsanayn social mediayaha lagu khalkhal galiyo.

Waxaan rajaynayaa in arintaas cashar laga barto aysanna dib danbe u dhicin ceebtaan oo kale.

Wa bilaahi towfiiq

Qore: Abdirashiid Buulle





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline