var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

WARQAD FURAN OO KU SOCOTA MADAXWEYNAHA HIRSHABEELE MUDANE CALI C/LAAHI COSOBLE

KU: MADAXWAYNAHA HIRSHABEELLE CALI CABDULLAAHI COSOBLE

KU: MADAXWAYNAHA DOWLADA FEDERAALAKA SOOMALIYA
MUDANE MAXAMED CABDULLAHI FARMAAJO.
OG: MAAMULKA HIRSHABEELE
OG: JAALIYADA SOOMIYEED EE DANMARK

OG: UMMADDA SOOMAALIYEED

Aniga oo ah Hooyo Soomaliyeed oo waayeel ah, kuna nool nolsheeda oo dhan Goboka Hiiran gaar ahaan, Magaalad Balad wayne.

Madaxwayne waxaan si xushmad iyo qadarin leh halkan, dacwadayda ugu soo bandhigayaa,una gudbinayaa Madaxwaynha HIRSHABELE.
Mudane Cali Cabdullahi Cosoble waxaan kuu sheegaya in Wiilkaygii oo la dhihi jiray Aways Dhaqane Xuseen, si gar daro ah lagu toogtay beerteyda oo ku taal magaalada Baledwayne markii ay taariikhdu ahayd 10.03.2017.

Mudane Madaxwayne willkaygii waxa uu ku geeriyooday isla goobtii lagu toogtay.
Madaxwayne Marxuunkaa aan dhalay waxa uu ifka kaga tagay 7- Caruur ah iyo Hooyadood.
Mudane Madaxweyne waxaa ogaataa gacan ku-dhiig lihii wiilkayga dilay ilaa iyo hada wax cadaalad maxkamadeysan oo lagu fuliyay aysan jirin.

Madaxwayne Adiga iyo Maamuulkaagaba waxaan si miisaan iyo mug waynba leh uga codsanayaa in Ninkii sida gar-darada ah ugu dilay WIILKAYGII in sharciga Isaalmka iyo kan Dowladnimo aad hor keento.

CABASHO.

Mudane Madaxwayne Cosoble waxaan kuu sheegaya in maamulka ka arimisid ee Hiirshabeele gaar ahaan qaybihiisa Nabadsugida oo uu horkacaayo CALI NUUR AXMED (CALI FANAX) iyo kan Garsoorka Magaalada BALADWEYNE in aan kala kulmay cago juglayn, hanjabaad,tacadi iyo walba rasaas ay ooda igaga qaadeen.

Mudane Cali cabdullahi cosob waxaan kaaga marti ahay in Cali Nuur Ahmed (Cali-Fanax) iyo anaga oo ah Hooyadii dhasahay marxuunn Aways Dhaqane Xuseen inaad sharciga u sinaano

GAB0-GABO:

Mudane Cosoble haddii ay caddaaladu midho dhal noqon waydo, waxaan ARJI KAMA DANBAYSA AH U DIRANAYAA Ilaahey (SWT), WAXAAN HUBAANNA INUU YAHAY,

WAA BOQOR DULQAAD BADAN

MA DAG DAGO SIDEENOO

WAXA UU INALA SUGAYAA

MAALIN AAN LA DOODEYN

DAFIRAADI SOCONEYN

NINA AAN DARAJO IYO XIL

LAGA DANBAYNAYN

 

MAHADSANID

HOOYO DEERO DAAHIR WEHELIYE

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: