Wariye lagu xiray Beledweyne

Ciidamada Hay’adda Nabad suggida iyo sirdoonka Qaranka qeybtooda ka howlgalla Magaalada Beledweyne ayaa Saaka xabsiga dhigay Wariye ka tirsanaa Idaacadda Codka Hiiraan.

Wariyaha la xiray ayaa lagu magacaabi jiray Cabdishakuur Maxamed Xasan.

Ciidamada Ammaanka ayaa la sheegay in ay wariyaha xireen,islaamarkaana waxa ay sheegeen in ay ku waddaan baaritaano.

Qaar ka mid ah Wariyaasha ka howlgalla Magaalada Beledweyne ayaa Risaala u sheegay in wariyaha Ciidamada ay ku heystaan war uu baahiyay.





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline